Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 山章   節:
أَمۡ تَأۡمُرُهُمۡ أَحۡلَٰمُهُم بِهَٰذَآۚ أَمۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ
32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥۚ بَل لَّا يُؤۡمِنُونَ
33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).
アラビア語 クルアーン注釈:
فَلۡيَأۡتُواْ بِحَدِيثٖ مِّثۡلِهِۦٓ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ خُلِقُواْ مِنۡ غَيۡرِ شَيۡءٍ أَمۡ هُمُ ٱلۡخَٰلِقُونَ
35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ خَلَقُواْ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ
36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمۡ هُمُ ٱلۡمُصَۜيۡطِرُونَ
37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ لَهُمۡ سُلَّمٞ يَسۡتَمِعُونَ فِيهِۖ فَلۡيَأۡتِ مُسۡتَمِعُهُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ لَهُ ٱلۡبَنَٰتُ وَلَكُمُ ٱلۡبَنُونَ
39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ يُرِيدُونَ كَيۡدٗاۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هُمُ ٱلۡمَكِيدُونَ
42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَمۡ لَهُمۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Xurmoo dhan waxaa iska leh Alle oo ka hufan waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَإِن يَرَوۡاْ كِسۡفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطٗا يَقُولُواْ سَحَابٞ مَّرۡكُومٞ
44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya8 waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).
8. Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Alle, sida ay dalbadeen ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَذَرۡهُمۡ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي فِيهِ يُصۡعَقُونَ
45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).
アラビア語 クルアーン注釈:
يَوۡمَ لَا يُغۡنِي عَنۡهُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ عَذَابٗا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
47. Waxayna xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi9) badankooduse ma ay oga.
9. In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin, iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعۡيُنِنَاۖ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ
48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَإِدۡبَٰرَ ٱلنُّجُومِ
49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 山章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる