የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አን ነጅም   አንቀጽ:

Suurada An-najm

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
1. An-Najam: Xiddigaha
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ
2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ
3. Ma ku hadlo hawadiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ
4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ
5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذُو مِرَّةٖ فَٱسۡتَوَىٰ
6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay (waa Jabriil c.s.)2.
2. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
7. Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare3.
3. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ
9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ
10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday4.
4. Quraanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu ku arkay (Nabigu s.c.w indhahiisa habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ
13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ
14. Dhammaadka xadka geedka gobka5.
5. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ
15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ
16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ
18. Wuxuu wax ka arkay (Nabigu s.c.w) Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ
19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ
20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale6?
6.Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ
21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ إِذٗا قِسۡمَةٞ ضِيزَىٰٓ
22. Tanu waa qayb dulun ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٞ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ
23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ
25. Mayee, Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka)
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَكَم مِّن مَّلَكٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ
26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ تَسۡمِيَةَ ٱلۡأُنثَىٰ
27. Kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـٔٗا
28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَعۡرِضۡ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكۡرِنَا وَلَمۡ يُرِدۡ إِلَّا ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ مَبۡلَغُهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱهۡتَدَىٰ
30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ بِمَا عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ بِٱلۡحُسۡنَى
31. Allaah baana iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلۡمَغۡفِرَةِۚ هُوَ أَعۡلَمُ بِكُمۡ إِذۡ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَإِذۡ أَنتُمۡ أَجِنَّةٞ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡۖ فَلَا تُزَكُّوٓاْ أَنفُسَكُمۡۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ
32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي تَوَلَّىٰ
33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَعۡطَىٰ قَلِيلٗا وَأَكۡدَىٰٓ
34. Oo wax yar bixiyey7, inta kalena ceshaday.
7. Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Alle subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡغَيۡبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ
35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَمۡ يُنَبَّأۡ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ
36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِبۡرَٰهِيمَ ٱلَّذِي وَفَّىٰٓ
37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰ
38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَن لَّيۡسَ لِلۡإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ
39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ سَعۡيَهُۥ سَوۡفَ يُرَىٰ
40. Camalkiisana la arki doono.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ يُجۡزَىٰهُ ٱلۡجَزَآءَ ٱلۡأَوۡفَىٰ
41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلۡمُنتَهَىٰ
42. Iyo in xagga (Alle) Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضۡحَكَ وَأَبۡكَىٰ
43. (Allena) waa Kan wax ka qosliya kana oohiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحۡيَا
44.Isagaana (Alle) wax dhinsiiya waxna nooleeya;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ
45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ
46. Ka abuuray mino nool marka la shubo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ
47. Isagayna (Alle) saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ
48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ
49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra8.
8. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ
50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ
51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ
52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ
53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay9 .
9. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ
54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaan oo ka shaki qabtaan (dadow)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا نَذِيرٞ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ
56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ
57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ
58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ
59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ
60. Oo ku qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Ilaahay darteed)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ
61. Idinkoo iska haasaawaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ۩
62. U sujuuda Allaah oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አን ነጅም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት