ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: النجم   آية:

سورة النجم - Suurada An-najm

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
1. An-Najam: Xiddigaha
التفاسير العربية:
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ
2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.
التفاسير العربية:
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ
3. Ma ku hadlo hawadiisa.
التفاسير العربية:
إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ
4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.
التفاسير العربية:
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ
5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.
التفاسير العربية:
ذُو مِرَّةٖ فَٱسۡتَوَىٰ
6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay (waa Jabriil c.s.)2.
2. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.
التفاسير العربية:
وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
7. Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare3.
3. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.
التفاسير العربية:
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.
التفاسير العربية:
فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ
9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.
التفاسير العربية:
فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ
10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday4.
4. Quraanka.
التفاسير العربية:
مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu ku arkay (Nabigu s.c.w indhahiisa habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi).
التفاسير العربية:
أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).
التفاسير العربية:
وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ
13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.
التفاسير العربية:
عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ
14. Dhammaadka xadka geedka gobka5.
5. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.
التفاسير العربية:
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ
15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.
التفاسير العربية:
إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ
16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).
التفاسير العربية:
مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.
التفاسير العربية:
لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ
18. Wuxuu wax ka arkay (Nabigu s.c.w) Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.
التفاسير العربية:
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ
19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.
التفاسير العربية:
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ
20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale6?
6.Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.
التفاسير العربية:
أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ
21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?
التفاسير العربية:
تِلۡكَ إِذٗا قِسۡمَةٞ ضِيزَىٰٓ
22. Tanu waa qayb dulun ah.
التفاسير العربية:
إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٞ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ
23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).
التفاسير العربية:
أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?
التفاسير العربية:
فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ
25. Mayee, Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka)
التفاسير العربية:
۞ وَكَم مِّن مَّلَكٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ
26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.
التفاسير العربية:
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ تَسۡمِيَةَ ٱلۡأُنثَىٰ
27. Kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.
التفاسير العربية:
وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـٔٗا
28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.
التفاسير العربية:
فَأَعۡرِضۡ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكۡرِنَا وَلَمۡ يُرِدۡ إِلَّا ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.
التفاسير العربية:
ذَٰلِكَ مَبۡلَغُهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱهۡتَدَىٰ
30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.
التفاسير العربية:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ بِمَا عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ بِٱلۡحُسۡنَى
31. Allaah baana iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).
التفاسير العربية:
ٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلۡمَغۡفِرَةِۚ هُوَ أَعۡلَمُ بِكُمۡ إِذۡ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَإِذۡ أَنتُمۡ أَجِنَّةٞ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡۖ فَلَا تُزَكُّوٓاْ أَنفُسَكُمۡۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ
32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.
التفاسير العربية:
أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي تَوَلَّىٰ
33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).
التفاسير العربية:
وَأَعۡطَىٰ قَلِيلٗا وَأَكۡدَىٰٓ
34. Oo wax yar bixiyey7, inta kalena ceshaday.
7. Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Alle subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan.
التفاسير العربية:
أَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡغَيۡبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ
35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?
التفاسير العربية:
أَمۡ لَمۡ يُنَبَّأۡ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ
36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -
التفاسير العربية:
وَإِبۡرَٰهِيمَ ٱلَّذِي وَفَّىٰٓ
37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay).
التفاسير العربية:
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰ
38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).
التفاسير العربية:
وَأَن لَّيۡسَ لِلۡإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ
39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).
التفاسير العربية:
وَأَنَّ سَعۡيَهُۥ سَوۡفَ يُرَىٰ
40. Camalkiisana la arki doono.
التفاسير العربية:
ثُمَّ يُجۡزَىٰهُ ٱلۡجَزَآءَ ٱلۡأَوۡفَىٰ
41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.
التفاسير العربية:
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلۡمُنتَهَىٰ
42. Iyo in xagga (Alle) Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.
التفاسير العربية:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضۡحَكَ وَأَبۡكَىٰ
43. (Allena) waa Kan wax ka qosliya kana oohiya.
التفاسير العربية:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحۡيَا
44.Isagaana (Alle) wax dhinsiiya waxna nooleeya;
التفاسير العربية:
وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ
45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.
التفاسير العربية:
مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ
46. Ka abuuray mino nool marka la shubo.
التفاسير العربية:
وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ
47. Isagayna (Alle) saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).
التفاسير العربية:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ
48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;
التفاسير العربية:
وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ
49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra8.
8. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.
التفاسير العربية:
وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ
50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,
التفاسير العربية:
وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ
51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.
التفاسير العربية:
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ
52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.
التفاسير العربية:
وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ
53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay9 .
9. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.
التفاسير العربية:
فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ
54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).
التفاسير العربية:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaan oo ka shaki qabtaan (dadow)?
التفاسير العربية:
هَٰذَا نَذِيرٞ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ
56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
التفاسير العربية:
أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ
57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).
التفاسير العربية:
لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ
58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).
التفاسير العربية:
أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ
59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.
التفاسير العربية:
وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ
60. Oo ku qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Ilaahay darteed)?
التفاسير العربية:
وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ
61. Idinkoo iska haasaawaya.
التفاسير العربية:
فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ۩
62. U sujuuda Allaah oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: النجم
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - يعقوب - فهرس التراجم

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق