Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነጅም   አንቀጽ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ تَسۡمِيَةَ ٱلۡأُنثَىٰ
27. Hubaal kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـٔٗا
28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَعۡرِضۡ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكۡرِنَا وَلَمۡ يُرِدۡ إِلَّا ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ مَبۡلَغُهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱهۡتَدَىٰ
30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ بِمَا عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ بِٱلۡحُسۡنَى
31. Allaah baana iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلۡمَغۡفِرَةِۚ هُوَ أَعۡلَمُ بِكُمۡ إِذۡ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَإِذۡ أَنتُمۡ أَجِنَّةٞ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡۖ فَلَا تُزَكُّوٓاْ أَنفُسَكُمۡۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ
32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي تَوَلَّىٰ
33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَعۡطَىٰ قَلِيلٗا وَأَكۡدَىٰٓ
34. Oo wax yar bixiyey8, inta kalena ceshaday.
8. Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Alle subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡغَيۡبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ
35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَمۡ يُنَبَّأۡ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ
36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِبۡرَٰهِيمَ ٱلَّذِي وَفَّىٰٓ
37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰ
38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَن لَّيۡسَ لِلۡإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ
39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ سَعۡيَهُۥ سَوۡفَ يُرَىٰ
40. Camalkiisana la arki doono.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ يُجۡزَىٰهُ ٱلۡجَزَآءَ ٱلۡأَوۡفَىٰ
41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلۡمُنتَهَىٰ
42. Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضۡحَكَ وَأَبۡكَىٰ
43.Waana Kan wax ka qosliya kana oohiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحۡيَا
44. Isagaana wax dhinsiiya waxna nooleeya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነጅም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት