የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ቀመር   አንቀጽ:

Suurada Al-qamar

ٱقۡتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلۡقَمَرُ
1. Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal2.
1. Al-Qamar: Dayaxa.
2. Tani waxay aheyd calaamo mucjisad ah uu Alle siiyey Nabi Muxammad s.c.w. markay Quraysh ka dalbeen inuu tusiyo mucjiso.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يَرَوۡاْ ءَايَةٗ يُعۡرِضُواْ وَيَقُولُواْ سِحۡرٞ مُّسۡتَمِرّٞ
2. Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَّبُواْ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَكُلُّ أَمۡرٖ مُّسۡتَقِرّٞ
3. Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّنَ ٱلۡأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزۡدَجَرٌ
4. Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حِكۡمَةُۢ بَٰلِغَةٞۖ فَمَا تُغۡنِ ٱلنُّذُرُ
5. Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡۘ يَوۡمَ يَدۡعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَيۡءٖ نُّكُرٍ
6. Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran3.
3. Waxaa la yidhi waa malag ugu yeedhi dadka xisaab iyo garsoor.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خُشَّعًا أَبۡصَٰرُهُمۡ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ كَأَنَّهُمۡ جَرَادٞ مُّنتَشِرٞ
7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُّهۡطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِۖ يَقُولُ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَسِرٞ
8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ فَكَذَّبُواْ عَبۡدَنَا وَقَالُواْ مَجۡنُونٞ وَٱزۡدُجِرَ
9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوبٞ فَٱنتَصِرۡ
10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَفَتَحۡنَآ أَبۡوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٖ مُّنۡهَمِرٖ
11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفَجَّرۡنَا ٱلۡأَرۡضَ عُيُونٗا فَٱلۡتَقَى ٱلۡمَآءُ عَلَىٰٓ أَمۡرٖ قَدۡ قُدِرَ
12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَحَمَلۡنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلۡوَٰحٖ وَدُسُرٖ
13.waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَجۡرِي بِأَعۡيُنِنَا جَزَآءٗ لِّمَن كَانَ كُفِرَ
14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan kan la diiday Nuux cs).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَد تَّرَكۡنَٰهَآ ءَايَةٗ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
17. Waxaanu sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ عَادٞ فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِي يَوۡمِ نَحۡسٖ مُّسۡتَمِرّٖ
19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٖ مُّنقَعِرٖ
20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.
4. Ka soo bixineysa halkay ku gabbanaayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
22. Waxaanu sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ
23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَالُوٓاْ أَبَشَرٗا مِّنَّا وَٰحِدٗا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٍ
24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَءُلۡقِيَ ٱلذِّكۡرُ عَلَيۡهِ مِنۢ بَيۡنِنَا بَلۡ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٞ
25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn5.
5. Waxay ula jeedaan Nabi Saalix.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَيَعۡلَمُونَ غَدٗا مَّنِ ٱلۡكَذَّابُ ٱلۡأَشِرُ
26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا مُرۡسِلُواْ ٱلنَّاقَةِ فِتۡنَةٗ لَّهُمۡ فَٱرۡتَقِبۡهُمۡ وَٱصۡطَبِرۡ
27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo6.
6. Aayaddan iyo tan xigta waxay ku socdaan Saalix c.s.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَبِّئۡهُمۡ أَنَّ ٱلۡمَآءَ قِسۡمَةُۢ بَيۡنَهُمۡۖ كُلُّ شِرۡبٖ مُّحۡتَضَرٞ
28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَنَادَوۡاْ صَاحِبَهُمۡ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ
29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood (habaar qabe Qudaar) oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَكَانُواْ كَهَشِيمِ ٱلۡمُحۡتَظِرِ
31. Waxaan ku soo dirnay dushooda Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
32. Waxaanu sahalnay Qur'aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطِۭ بِٱلنُّذُرِ
33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٖۖ نَّجَّيۡنَٰهُم بِسَحَرٖ
34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نِّعۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَن شَكَرَ
35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa kan (Alle ku) shukriya (af, uur iyo addinba).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَنذَرَهُم بَطۡشَتَنَا فَتَمَارَوۡاْ بِٱلنُّذُرِ
36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيۡفِهِۦ فَطَمَسۡنَآ أَعۡيُنَهُمۡ فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ
37. Oo waxay dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ صَبَّحَهُم بُكۡرَةً عَذَابٞ مُّسۡتَقِرّٞ
38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ
39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
40. Waxaanu sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ جَآءَ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ ٱلنُّذُرُ
41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذۡنَٰهُمۡ أَخۡذَ عَزِيزٖ مُّقۡتَدِرٍ
42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَكُفَّارُكُمۡ خَيۡرٞ مِّنۡ أُوْلَٰٓئِكُمۡ أَمۡ لَكُم بَرَآءَةٞ فِي ٱلزُّبُرِ
43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ يَقُولُونَ نَحۡنُ جَمِيعٞ مُّنتَصِرٞ
44. Mise waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَيُهۡزَمُ ٱلۡجَمۡعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ
45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوۡعِدُهُمۡ وَٱلسَّاعَةُ أَدۡهَىٰ وَأَمَرُّ
46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٖ
47. Kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يُسۡحَبُونَ فِي ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ ذُوقُواْ مَسَّ سَقَرَ
48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٖ
49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَمۡرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٞ كَلَمۡحِۭ بِٱلۡبَصَرِ
50. Amarkayaguna ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَآ أَشۡيَاعَكُمۡ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
51. Waxaan dhab ahaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun ku waantoobi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكُلُّ شَيۡءٖ فَعَلُوهُ فِي ٱلزُّبُرِ
52. Wax kastoo ay faleenna waxay ku yaalliin kutubta (camalladooda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكُلُّ صَغِيرٖ وَكَبِيرٖ مُّسۡتَطَرٌ
53. Wax walibana yar iyo weyn waxay ku yaalliin (Looxa Maxfuudka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَنَهَرٖ
54. Kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale) waxay ku sugnaan beero iyo webiyo (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِي مَقۡعَدِ صِدۡقٍ عِندَ مَلِيكٖ مُّقۡتَدِرِۭ
55. Fadhi sharfeed run ah oo (Allaah) Boqorka Awooda wax walba agtiisa ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ቀመር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት