የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አር ረሕማን   አንቀጽ:

Suurada Ar-raxmaan

ٱلرَّحۡمَٰنُ
1. (Allaah) Raxmaanka,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَّمَ ٱلۡقُرۡءَانَ
2. Wuxuu baray Qur'aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ
3. Abuuray dadka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَّمَهُ ٱلۡبَيَانَ
4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ بِحُسۡبَانٖ
5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلنَّجۡمُ وَٱلشَّجَرُ يَسۡجُدَانِ
6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan (Alle dartiis)1.
1. Xiddigaha waxaa caabudi jirey qaar ka mid ah Carabta waagii Jaahiliyadda. Halka xiddigaha iyo geeduhuba u sujuudaan Alle, oo u hoggaansan yihiin Xeerarkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلۡمِيزَانَ
7. Samada (Alle) wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad(iyo garsoor wanaagsan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّا تَطۡغَوۡاْ فِي ٱلۡمِيزَانِ
8. Si aydaan uga gudbin cadaaladda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَقِيمُواْ ٱلۡوَزۡنَ بِٱلۡقِسۡطِ وَلَا تُخۡسِرُواْ ٱلۡمِيزَانَ
9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡأَرۡضَ وَضَعَهَا لِلۡأَنَامِ
10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَٱلنَّخۡلُ ذَاتُ ٱلۡأَكۡمَامِ
11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡحَبُّ ذُو ٱلۡعَصۡفِ وَٱلرَّيۡحَانُ
12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
13. Ee taa baad Nicmooyinka (Alle) Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ كَٱلۡفَخَّارِ
14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَخَلَقَ ٱلۡجَآنَّ مِن مَّارِجٖ مِّن نَّارٖ
15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab (halka malaa’igta uu ka abuuray nuur ifiya).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ وَرَبُّ ٱلۡمَغۡرِبَيۡنِ
17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed2.
2. Waa halka iyo dhibcaha ay ka soo baxaan qorraxda subaxii dhanka bari iyo halkay u dhacaan galabkii xilliyada jiilaalka iyo xagaayada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ
19. Wuxuu dareersiiyey labada badood3 iyagoo kulmi.
3. Labada badood: Midda biyaha macaan iyo midda biyaha dhanaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٞ لَّا يَبۡغِيَانِ
20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَخۡرُجُ مِنۡهُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ
22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَهُ ٱلۡجَوَارِ ٱلۡمُنشَـَٔاتُ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ
24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa4 badda ee buuraha la moodo.
4. Haddii loo akhriyo munshi’aatu markaas macnuhu wuxuu noqon ka muuqda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كُلُّ مَنۡ عَلَيۡهَا فَانٖ
26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَبۡقَىٰ وَجۡهُ رَبِّكَ ذُو ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ
27. Waxaase waari abadki Wejiga (Alle) Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡـَٔلُهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ كُلَّ يَوۡمٍ هُوَ فِي شَأۡنٖ
29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَنَفۡرُغُ لَكُمۡ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ
31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus5.
5. Waxaa loola jeedaa labadaa culculus dadka iyo jinka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ إِنِ ٱسۡتَطَعۡتُمۡ أَن تَنفُذُواْ مِنۡ أَقۡطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ فَٱنفُذُواْۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلۡطَٰنٖ
33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُرۡسَلُ عَلَيۡكُمَا شُوَاظٞ مِّن نَّارٖ وَنُحَاسٞ فَلَا تَنتَصِرَانِ
35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar (la dhalaaliyey)6, ma kareysaan inaad is difaacdaan.
6. Macne kale waa naxaas.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ وَرۡدَةٗ كَٱلدِّهَانِ
37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta7.
7. Sida harag (maqaar) la magdiyey ee gaduudan, waa Maalinta Qiyaamaha markaas baa la idin abaal marin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin8 beenineysaan?.
8. Macnaha Rabbi waa Abuuraha, Nooleeyaha, Dhinsiiyaha, maamulaha uunka, Irsaaqaha, iwm. Waana Allaah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُسۡـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٞ وَلَا جَآنّٞ
39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُعۡرَفُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ بِسِيمَٰهُمۡ فَيُؤۡخَذُ بِٱلنَّوَٰصِي وَٱلۡأَقۡدَامِ
41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
42. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي يُكَذِّبُ بِهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
43. Tanu waa Jahannamadii ay beeniyeen denbiilayaashu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَطُوفُونَ بَيۡنَهَا وَبَيۡنَ حَمِيمٍ ءَانٖ
44. Waxay ku meereysan dhexdooda Naarta iyo biyo kulul ee karaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
45. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِمَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ جَنَّتَانِ
46. Kii se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, wuxuu mudan labo beerood (Jannada gudaheed).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
47. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَوَاتَآ أَفۡنَانٖ
48. (Labadaa beerood oo) leh midabyo kala duwan iyo laamo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
49. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهِمَا عَيۡنَانِ تَجۡرِيَانِ
50. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo dur dur ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
51. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهِمَا مِن كُلِّ فَٰكِهَةٖ زَوۡجَانِ
52. Dhexdooda waxaa ah (labadaa beerood) midho nooc kasta oo lammaane ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
53. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ فُرُشِۭ بَطَآئِنُهَا مِنۡ إِسۡتَبۡرَقٖۚ وَجَنَى ٱلۡجَنَّتَيۡنِ دَانٖ
54. Iyagoo ku dangiigsan firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, midhaha labadaa beeroodna waxay ahaan kuwo goosi dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهِنَّ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٞ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنّٞ
56. Waxaa ku sugan (Jannada) kuwaa soo laaba araggooda (ku kooba nimankooda keliya) ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
57. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَأَنَّهُنَّ ٱلۡيَاقُوتُ وَٱلۡمَرۡجَانُ
58. (Haweenkaa oo) la moodo dheeman iyo luul.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
59. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَلۡ جَزَآءُ ٱلۡإِحۡسَٰنِ إِلَّا ٱلۡإِحۡسَٰنُ
60. Wanaag abaalkiisu ma waxaan ahayn baa wanaag?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
61. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ
62. Barbarkoodana labadatani (beerood), waxaa ah labo beerood oo kale (Jannada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
63. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُدۡهَآمَّتَانِ
64. Madow cagaaran ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
65. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهِمَا عَيۡنَانِ نَضَّاخَتَانِ
66. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo burqanaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
67. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهِمَا فَٰكِهَةٞ وَنَخۡلٞ وَرُمَّانٞ
68. Waxaa (labadaa beerood) dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
69. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهِنَّ خَيۡرَٰتٌ حِسَانٞ
70. Dhexdooda waxaa ah (afartaa beerood) xaasas khayr iyo qurux badnooyin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
71. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
حُورٞ مَّقۡصُورَٰتٞ فِي ٱلۡخِيَامِ
72. Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin guryahooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
73. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٞ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنّٞ
74. Aanay horey u taabanin insi iyo jin midkoodna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
75. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ رَفۡرَفٍ خُضۡرٖ وَعَبۡقَرِيٍّ حِسَانٖ
76. Iyagoo ku dangiigsan barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
77. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?*
*Midna beeninmeyno Allow ka mid ah Nicmooyinkaaga oo ammaan iyo mahad idilkeed Adigaa leh oo ku caabudi Adigoo Keliya annagoon waxba kula wadaajin
cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَبَٰرَكَ ٱسۡمُ رَبِّكَ ذِي ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ
78. Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Rabbigaa (Allaah), Weynaha, Sharafta Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አር ረሕማን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት