ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಯಾಕೂಬ್ * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಸೂರ ಅರ್‍ರಹ್ಮಾನ್   ಶ್ಲೋಕ:

Suurada Ar-raxmaan

ٱلرَّحۡمَٰنُ
1. (Allaah) Raxmaanka,
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
عَلَّمَ ٱلۡقُرۡءَانَ
2. Wuxuu baray Qur'aanka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ
3. Abuuray dadka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
عَلَّمَهُ ٱلۡبَيَانَ
4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ بِحُسۡبَانٖ
5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱلنَّجۡمُ وَٱلشَّجَرُ يَسۡجُدَانِ
6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan (Alle dartiis)1.
1. Xiddigaha waxaa caabudi jirey qaar ka mid ah Carabta waagii Jaahiliyadda. Halka xiddigaha iyo geeduhuba u sujuudaan Alle, oo u hoggaansan yihiin Xeerarkiisa.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلۡمِيزَانَ
7. Samada (Alle) wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad(iyo garsoor wanaagsan).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَلَّا تَطۡغَوۡاْ فِي ٱلۡمِيزَانِ
8. Si aydaan uga gudbin cadaaladda.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَأَقِيمُواْ ٱلۡوَزۡنَ بِٱلۡقِسۡطِ وَلَا تُخۡسِرُواْ ٱلۡمِيزَانَ
9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱلۡأَرۡضَ وَضَعَهَا لِلۡأَنَامِ
10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَٱلنَّخۡلُ ذَاتُ ٱلۡأَكۡمَامِ
11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَٱلۡحَبُّ ذُو ٱلۡعَصۡفِ وَٱلرَّيۡحَانُ
12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
13. Ee taa baad Nicmooyinka (Alle) Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ كَٱلۡفَخَّارِ
14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَخَلَقَ ٱلۡجَآنَّ مِن مَّارِجٖ مِّن نَّارٖ
15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab (halka malaa’igta uu ka abuuray nuur ifiya).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ وَرَبُّ ٱلۡمَغۡرِبَيۡنِ
17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed2.
2. Waa halka iyo dhibcaha ay ka soo baxaan qorraxda subaxii dhanka bari iyo halkay u dhacaan galabkii xilliyada jiilaalka iyo xagaayada.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ
19. Wuxuu dareersiiyey labada badood3 iyagoo kulmi.
3. Labada badood: Midda biyaha macaan iyo midda biyaha dhanaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٞ لَّا يَبۡغِيَانِ
20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَخۡرُجُ مِنۡهُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ
22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَلَهُ ٱلۡجَوَارِ ٱلۡمُنشَـَٔاتُ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ
24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa4 badda ee buuraha la moodo.
4. Haddii loo akhriyo munshi’aatu markaas macnuhu wuxuu noqon ka muuqda.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
كُلُّ مَنۡ عَلَيۡهَا فَانٖ
26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَيَبۡقَىٰ وَجۡهُ رَبِّكَ ذُو ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ
27. Waxaase waari abadki Wejiga (Alle) Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَسۡـَٔلُهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ كُلَّ يَوۡمٍ هُوَ فِي شَأۡنٖ
29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
سَنَفۡرُغُ لَكُمۡ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ
31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus5.
5. Waxaa loola jeedaa labadaa culculus dadka iyo jinka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ إِنِ ٱسۡتَطَعۡتُمۡ أَن تَنفُذُواْ مِنۡ أَقۡطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ فَٱنفُذُواْۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلۡطَٰنٖ
33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يُرۡسَلُ عَلَيۡكُمَا شُوَاظٞ مِّن نَّارٖ وَنُحَاسٞ فَلَا تَنتَصِرَانِ
35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar (la dhalaaliyey)6, ma kareysaan inaad is difaacdaan.
6. Macne kale waa naxaas.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ وَرۡدَةٗ كَٱلدِّهَانِ
37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta7.
7. Sida harag (maqaar) la magdiyey ee gaduudan, waa Maalinta Qiyaamaha markaas baa la idin abaal marin.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin8 beenineysaan?.
8. Macnaha Rabbi waa Abuuraha, Nooleeyaha, Dhinsiiyaha, maamulaha uunka, Irsaaqaha, iwm. Waana Allaah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُسۡـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٞ وَلَا جَآنّٞ
39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يُعۡرَفُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ بِسِيمَٰهُمۡ فَيُؤۡخَذُ بِٱلنَّوَٰصِي وَٱلۡأَقۡدَامِ
41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
42. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي يُكَذِّبُ بِهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
43. Tanu waa Jahannamadii ay beeniyeen denbiilayaashu.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَطُوفُونَ بَيۡنَهَا وَبَيۡنَ حَمِيمٍ ءَانٖ
44. Waxay ku meereysan dhexdooda Naarta iyo biyo kulul ee karaya.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
45. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَلِمَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ جَنَّتَانِ
46. Kii se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, wuxuu mudan labo beerood (Jannada gudaheed).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
47. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ذَوَاتَآ أَفۡنَانٖ
48. (Labadaa beerood oo) leh midabyo kala duwan iyo laamo.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
49. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فِيهِمَا عَيۡنَانِ تَجۡرِيَانِ
50. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo dur dur ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
51. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فِيهِمَا مِن كُلِّ فَٰكِهَةٖ زَوۡجَانِ
52. Dhexdooda waxaa ah (labadaa beerood) midho nooc kasta oo lammaane ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
53. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ فُرُشِۭ بَطَآئِنُهَا مِنۡ إِسۡتَبۡرَقٖۚ وَجَنَى ٱلۡجَنَّتَيۡنِ دَانٖ
54. Iyagoo ku dangiigsan firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, midhaha labadaa beeroodna waxay ahaan kuwo goosi dhow.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فِيهِنَّ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٞ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنّٞ
56. Waxaa ku sugan (Jannada) kuwaa soo laaba araggooda (ku kooba nimankooda keliya) ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
57. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
كَأَنَّهُنَّ ٱلۡيَاقُوتُ وَٱلۡمَرۡجَانُ
58. (Haweenkaa oo) la moodo dheeman iyo luul.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
59. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
هَلۡ جَزَآءُ ٱلۡإِحۡسَٰنِ إِلَّا ٱلۡإِحۡسَٰنُ
60. Wanaag abaalkiisu ma waxaan ahayn baa wanaag?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
61. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ
62. Barbarkoodana labadatani (beerood), waxaa ah labo beerood oo kale (Jannada).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
63. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
مُدۡهَآمَّتَانِ
64. Madow cagaaran ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
65. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فِيهِمَا عَيۡنَانِ نَضَّاخَتَانِ
66. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo burqanaya.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
67. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فِيهِمَا فَٰكِهَةٞ وَنَخۡلٞ وَرُمَّانٞ
68. Waxaa (labadaa beerood) dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
69. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فِيهِنَّ خَيۡرَٰتٌ حِسَانٞ
70. Dhexdooda waxaa ah (afartaa beerood) xaasas khayr iyo qurux badnooyin ah.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
71. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
حُورٞ مَّقۡصُورَٰتٞ فِي ٱلۡخِيَامِ
72. Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin guryahooda.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
73. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٞ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنّٞ
74. Aanay horey u taabanin insi iyo jin midkoodna.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
75. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ رَفۡرَفٍ خُضۡرٖ وَعَبۡقَرِيٍّ حِسَانٖ
76. Iyagoo ku dangiigsan barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
77. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?*
*Midna beeninmeyno Allow ka mid ah Nicmooyinkaaga oo ammaan iyo mahad idilkeed Adigaa leh oo ku caabudi Adigoo Keliya annagoon waxba kula wadaajin
cibaadada.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
تَبَٰرَكَ ٱسۡمُ رَبِّكَ ذِي ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ
78. Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Rabbigaa (Allaah), Weynaha, Sharafta Badan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಸೂರ ಅರ್‍ರಹ್ಮಾನ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಯಾಕೂಬ್ - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಸೊಮಾಲಿ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ