Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ረሕማን   አንቀጽ:

Ar-raxmaan

ٱلرَّحۡمَٰنُ
1. (Allaah) Raxmaanka,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَّمَ ٱلۡقُرۡءَانَ
2. Wuxuu baray Qur'aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ
3. Abuuray aadmiga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَّمَهُ ٱلۡبَيَانَ
4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ بِحُسۡبَانٖ
5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلنَّجۡمُ وَٱلشَّجَرُ يَسۡجُدَانِ
6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan1.
1. Xiddigaha waxaa caabudi jirey qaar ka mid ah Carabta waagii Jaahiliyadda. Halka xiddigaha iyo geeduhuba u sujuudaan Alle, oo u hoggaansan yihiin Xeerarkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلۡمِيزَانَ
7. Samada (Alle) wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad 'iyo garsoor wanaagsan'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَّا تَطۡغَوۡاْ فِي ٱلۡمِيزَانِ
8. Si aydaan ugu xad gudbin cadaaladda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَقِيمُواْ ٱلۡوَزۡنَ بِٱلۡقِسۡطِ وَلَا تُخۡسِرُواْ ٱلۡمِيزَانَ
9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡأَرۡضَ وَضَعَهَا لِلۡأَنَامِ
10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَٱلنَّخۡلُ ذَاتُ ٱلۡأَكۡمَامِ
11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡحَبُّ ذُو ٱلۡعَصۡفِ وَٱلرَّيۡحَانُ
12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
13. Ee taa baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ كَٱلۡفَخَّارِ
14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَخَلَقَ ٱلۡجَآنَّ مِن مَّارِجٖ مِّن نَّارٖ
15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab2.
2. Malaa’igta wuxuu ka abuuray nuur ifiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ وَرَبُّ ٱلۡمَغۡرِبَيۡنِ
17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed3.
3. Waa halka iyo dhibcaha ay ka soo baxaan qorraxda subaxii dhanka bari iyo halkay u dhacaan galabkii xilliyada jiilaalka iyo xagaayada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ረሕማን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት