Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અર્ રહમાન   આયત:

Ar-raxmaan

ٱلرَّحۡمَٰنُ
1. (Allaah) Raxmaanka,
અરબી તફસીરો:
عَلَّمَ ٱلۡقُرۡءَانَ
2. Wuxuu baray Qur'aanka.
અરબી તફસીરો:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ
3. Abuuray aadmiga.
અરબી તફસીરો:
عَلَّمَهُ ٱلۡبَيَانَ
4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni).
અરબી તફસીરો:
ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ بِحُسۡبَانٖ
5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.
અરબી તફસીરો:
وَٱلنَّجۡمُ وَٱلشَّجَرُ يَسۡجُدَانِ
6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan1.
1. Xiddigaha waxaa caabudi jirey qaar ka mid ah Carabta waagii Jaahiliyadda. Halka xiddigaha iyo geeduhuba u sujuudaan Alle, oo u hoggaansan yihiin Xeerarkiisa.
અરબી તફસીરો:
وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلۡمِيزَانَ
7. Samada (Alle) wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad 'iyo garsoor wanaagsan'.
અરબી તફસીરો:
أَلَّا تَطۡغَوۡاْ فِي ٱلۡمِيزَانِ
8. Si aydaan ugu xad gudbin cadaaladda.
અરબી તફસીરો:
وَأَقِيمُواْ ٱلۡوَزۡنَ بِٱلۡقِسۡطِ وَلَا تُخۡسِرُواْ ٱلۡمِيزَانَ
9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka.
અરબી તફસીરો:
وَٱلۡأَرۡضَ وَضَعَهَا لِلۡأَنَامِ
10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan.
અરબી તફસીરો:
فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَٱلنَّخۡلُ ذَاتُ ٱلۡأَكۡمَامِ
11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh.
અરબી તફસીરો:
وَٱلۡحَبُّ ذُو ٱلۡعَصۡفِ وَٱلرَّيۡحَانُ
12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan.
અરબી તફસીરો:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
13. Ee taa baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?
અરબી તફસીરો:
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ كَٱلۡفَخَّارِ
14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah.
અરબી તફસીરો:
وَخَلَقَ ٱلۡجَآنَّ مِن مَّارِجٖ مِّن نَّارٖ
15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab2.
2. Malaa’igta wuxuu ka abuuray nuur ifiya.
અરબી તફસીરો:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
અરબી તફસીરો:
رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ وَرَبُّ ٱلۡمَغۡرِبَيۡنِ
17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed3.
3. Waa halka iyo dhibcaha ay ka soo baxaan qorraxda subaxii dhanka bari iyo halkay u dhacaan galabkii xilliyada jiilaalka iyo xagaayada.
અરબી તફસીરો:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અર્ રહમાન
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો