Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነጅም   አንቀጽ:
وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ
45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ
46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ
47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ
48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ
49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra8.
8. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ
50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ
51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ
52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ
53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay9 .
9. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ
54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا نَذِيرٞ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ
56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ
57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ
58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ
59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ
60. Oo ku qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ
61. Idinkoo iska haasaawaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ۩
62. U sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነጅም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት