Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነጅም   አንቀጽ:

An-najm

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ
1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
1. An-Najam: Xiddigaha
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ
2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ
3. Ma ku hadlo hawadiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ
4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ
5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذُو مِرَّةٖ فَٱسۡتَوَىٰ
6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay (waa Jabriil c.s.)2.
2. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare3.
3. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ
9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ
10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday4.
4. Waa Qur'aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay5.
5. Nabigu s.c.w habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ
13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ
14. Dhammaadka xadka geedka gobka6.
6. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ
15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ
16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ
18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ
19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ
20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale7?
7. Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ
21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ إِذٗا قِسۡمَةٞ ضِيزَىٰٓ
22. Tanu waa qayb dulun ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٞ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ
23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ
25. Mayee, Allaah baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَكَم مِّن مَّلَكٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ
26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን ነጅም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት