Check out the new design

قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: نجم   آیت:

An-najm

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ
1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
1. An-Najam: Xiddigaha
عربی تفاسیر:
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ
2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.
عربی تفاسیر:
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ
3. Ma ku hadlo hawadiisa.
عربی تفاسیر:
إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ
4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.
عربی تفاسیر:
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ
5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.
عربی تفاسیر:
ذُو مِرَّةٖ فَٱسۡتَوَىٰ
6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.' [2].
2. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.
عربی تفاسیر:
وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare [3].
3. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.
عربی تفاسیر:
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.
عربی تفاسیر:
فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ
9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.
عربی تفاسیر:
فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ
10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday [4].
4. Waa Qur'aanka.
عربی تفاسیر:
مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay [5].
5. Nabigu s.c.w habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi.
عربی تفاسیر:
أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).
عربی تفاسیر:
وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ
13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.
عربی تفاسیر:
عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ
14. Dhammaadka xadka geedka gobka [6].
6. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.
عربی تفاسیر:
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ
15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.
عربی تفاسیر:
إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ
16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).
عربی تفاسیر:
مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.
عربی تفاسیر:
لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ
18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.
عربی تفاسیر:
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ
19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.
عربی تفاسیر:
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ
20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale [7]?
7. Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.
عربی تفاسیر:
أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ
21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?
عربی تفاسیر:
تِلۡكَ إِذٗا قِسۡمَةٞ ضِيزَىٰٓ
22. Tanu waa qayb dulun ah.
عربی تفاسیر:
إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٞ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ
23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).
عربی تفاسیر:
أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?
عربی تفاسیر:
فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ
25. Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.
عربی تفاسیر:
۞ وَكَم مِّن مَّلَكٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ
26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: نجم
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب - ترجمے کی لسٹ

عبد اللہ حسن یعقوب نے ترجمہ کیا

بند کریں