Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அந்நஜ்ம்   வசனம்:
وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ
45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.
அரபு விரிவுரைகள்:
مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ
46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ
47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ
48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ
49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra8.
8. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ
50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,
அரபு விரிவுரைகள்:
وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ
51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ
52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ
53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay9 .
9. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ
54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).
அரபு விரிவுரைகள்:
فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?
அரபு விரிவுரைகள்:
هَٰذَا نَذِيرٞ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ
56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
அரபு விரிவுரைகள்:
أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ
57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).
அரபு விரிவுரைகள்:
لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ
58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).
அரபு விரிவுரைகள்:
أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ
59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ
60. Oo ku qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ
61. Idinkoo iska haasaawaya.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ۩
62. U sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அந்நஜ்ம்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக