የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አዝ ዛሪያት   አንቀጽ:

Suurada Ad-daariyaat

وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرۡوٗا
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya. 1
1. Addaariyaat: Dabeylaha boorka kiciya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلۡحَٰمِلَٰتِ وِقۡرٗا
2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلۡجَٰرِيَٰتِ يُسۡرٗا
3. Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلۡمُقَسِّمَٰتِ أَمۡرًا
4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٞ
5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) waa run.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٞ
6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡحُبُكِ
7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكُمۡ لَفِي قَوۡلٖ مُّخۡتَلِفٖ
8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُؤۡفَكُ عَنۡهُ مَنۡ أُفِكَ
9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُتِلَ ٱلۡخَرَّٰصُونَ
10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي غَمۡرَةٖ سَاهُونَ
11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلدِّينِ
12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ هُمۡ عَلَى ٱلنَّارِ يُفۡتَنُونَ
13. Waa Maalinta Naarta lagu gubi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذُوقُواْ فِتۡنَتَكُمۡ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ
14. Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
15. Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُحۡسِنِينَ
16. Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَانُواْ قَلِيلٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مَا يَهۡجَعُونَ
17. Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee (macnaha qayb ka mid ah bay u qoondeyn jireen salaatu leyl, cishaha kaddib ama Aakhiru leylka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبِٱلۡأَسۡحَارِ هُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ
18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ
19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي ٱلۡأَرۡضِ ءَايَٰتٞ لِّلۡمُوقِنِينَ
20. Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ
21. Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي ٱلسَّمَآءِ رِزۡقُكُمۡ وَمَا تُوعَدُونَ
22. Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِنَّهُۥ لَحَقّٞ مِّثۡلَ مَآ أَنَّكُمۡ تَنطِقُونَ
23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ
24. Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗاۖ قَالَ سَلَٰمٞ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ
25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجۡلٖ سَمِينٖ
26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيۡهِمۡ قَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ
27. Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَوۡجَسَ مِنۡهُمۡ خِيفَةٗۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ
28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَقۡبَلَتِ ٱمۡرَأَتُهُۥ فِي صَرَّةٖ فَصَكَّتۡ وَجۡهَهَا وَقَالَتۡ عَجُوزٌ عَقِيمٞ
29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ
30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waana Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ
32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah2.
2. Waa kuwaasi beeniyey Luud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِنُرۡسِلَ عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن طِينٖ
33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُسۡرِفِينَ
34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha3.
3. Iyadoo dhagax walba lagu qoray magaca qofka lagu halaagayo oo ku dhiman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخۡرَجۡنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا وَجَدۡنَا فِيهَا غَيۡرَ بَيۡتٖ مِّنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah4.
4. Luud iyo reerkiisa marka laga reebo xaaskiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا فِيهَآ ءَايَةٗ لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo5 kuwa (mu'miniinta) ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
5. Raad muujinaya halaaggii ku dhacay qolodii Luud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي مُوسَىٰٓ إِذۡ أَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّىٰ بِرُكۡنِهِۦ وَقَالَ سَٰحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٞ
39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi:(Kani Muuse) waa saaxir ama jinnoole.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٞ
40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي عَادٍ إِذۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلۡعَقِيمَ
41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah6.
6. Aan dhalin wax faa’ido ah, khayr daran, macnaha waa shar xambaarsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا تَذَرُ مِن شَيۡءٍ أَتَتۡ عَلَيۡهِ إِلَّا جَعَلَتۡهُ كَٱلرَّمِيمِ
42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka
dhigtay maahee digada oo kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي ثَمُودَ إِذۡ قِيلَ لَهُمۡ تَمَتَّعُواْ حَتَّىٰ حِينٖ
43. Reer Thamuudna (calaamaa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَهُمۡ يَنظُرُونَ
44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مِن قِيَامٖ وَمَا كَانُواْ مُنتَصِرِينَ
45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيۡنَٰهَا بِأَيۡيْدٖ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡأَرۡضَ فَرَشۡنَٰهَا فَنِعۡمَ ٱلۡمَٰهِدُونَ
48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِن كُلِّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَا زَوۡجَيۡنِ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَفِرُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
50. Ee u carara xagga7 Alle, waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
7. Waxaa loola jeedaa u laabta oo ka magan gala gaalnimo iyo denbi falid si aad uga badbaaddaan ciqaabkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَجۡعَلُواْ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُواْ سَاحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٌ
52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتَوَاصَوۡاْ بِهِۦۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ
53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani8? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.
8. Miyey gaaladii beri hore u soo gudbiyeen hadalladan kuwaan hadda jira, sidaa darteed ay u yidhaahdeen isla hadalkoodii oo kale?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٖ
54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَذَكِّرۡ فَإِنَّ ٱلذِّكۡرَىٰ تَنفَعُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
55. Ee wax waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ
56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan (macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ أُرِيدُ مِنۡهُم مِّن رِّزۡقٖ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطۡعِمُونِ
57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلۡقُوَّةِ ٱلۡمَتِينُ
58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذَنُوبٗا مِّثۡلَ ذَنُوبِ أَصۡحَٰبِهِمۡ فَلَا يَسۡتَعۡجِلُونِ
59. Kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxaa u sugnaaday saami (Cadaab ah)la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن يَوۡمِهِمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አዝ ዛሪያት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት