Check out the new design

ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ * - ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌ߬ߘߊ߬ߟߌ ߝߐߘߊ ߘߏ߫: ߣߍ߰ߝߌ߲   ߟߝߊߙߌ ߘߏ߫:
لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَأَنزَلۡنَا مَعَهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمِيزَانَ لِيَقُومَ ٱلنَّاسُ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَأَنزَلۡنَا ٱلۡحَدِيدَ فِيهِ بَأۡسٞ شَدِيدٞ وَمَنَٰفِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥ وَرُسُلَهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ
25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka10, iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.
10. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: “Ogaada in Jannadu tahay seefaha hoostooda”.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحٗا وَإِبۡرَٰهِيمَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِمَا ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَۖ فَمِنۡهُم مُّهۡتَدٖۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
26. Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
ثُمَّ قَفَّيۡنَا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم بِرُسُلِنَا وَقَفَّيۡنَا بِعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡإِنجِيلَۖ وَجَعَلۡنَا فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ رَأۡفَةٗ وَرَحۡمَةٗۚ وَرَهۡبَانِيَّةً ٱبۡتَدَعُوهَا مَا كَتَبۡنَٰهَا عَلَيۡهِمۡ إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ رِضۡوَٰنِ ٱللَّهِ فَمَا رَعَوۡهَا حَقَّ رِعَايَتِهَاۖ فَـَٔاتَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۡهُمۡ أَجۡرَهُمۡۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
27. Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase (adduun ka jeedsiga)11 iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha Alle darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.
11. Waa inayan xaas yeelan, oo iska caagaan, oo dhinac kaga baxaan dadka oo iska joogaan kaniisadda.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَءَامِنُواْ بِرَسُولِهِۦ يُؤۡتِكُمۡ كِفۡلَيۡنِ مِن رَّحۡمَتِهِۦ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ نُورٗا تَمۡشُونَ بِهِۦ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
28.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
لِّئَلَّا يَعۡلَمَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَلَّا يَقۡدِرُونَ عَلَىٰ شَيۡءٖ مِّن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلۡفَضۡلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
29. Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Alle, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Alle12, wuxuu siiyaa cidduu doono. Alle waa Rabbiga leh Galladda Weyn.
12. Gacanta Alle : Alle kor ahaaye wuxuu ku caddeeyey Qur’aanka inuu leeyahay tilmaamo gaar ah sida maqal, arag, labo indhood, weji, labo gacmood, sacabbo, faro, labo lugood, cago, inuu qoslo, cadhoodo, wax jeclaado, wax naco, wax karho, iwm. Iyadoo taasi jirto buu iska fogeeyey inuu yahay mid ay suureysan karaan aadmiga, oo wax la mid ah ma jiraan waana Isaga Maqal Badanaha, arkidda Badan, sidaas oy tahay waa in loo qiro tilmaamaha u sheegtay Alle ama Rasuulkiisu uu sheegay inuu leeyahay.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
 
ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌ߬ߘߊ߬ߟߌ ߝߐߘߊ ߘߏ߫: ߣߍ߰ߝߌ߲
ߝߐߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ
 
ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ - ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ

ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ ߟߊ߫ ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߋ߬.

ߘߊߕߎ߲߯ߠߌ߲