Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐዲድ   አንቀጽ:
لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَأَنزَلۡنَا مَعَهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمِيزَانَ لِيَقُومَ ٱلنَّاسُ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَأَنزَلۡنَا ٱلۡحَدِيدَ فِيهِ بَأۡسٞ شَدِيدٞ وَمَنَٰفِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥ وَرُسُلَهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ
25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka10, iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.
10. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: “Ogaada in Jannadu tahay seefaha hoostooda”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحٗا وَإِبۡرَٰهِيمَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِمَا ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَۖ فَمِنۡهُم مُّهۡتَدٖۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
26. Waxaan dhab ahaan soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, waxaa ka mid ah kuwo hanuunay, in badani oo ka mid ahina waa caasiyaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ قَفَّيۡنَا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم بِرُسُلِنَا وَقَفَّيۡنَا بِعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡإِنجِيلَۖ وَجَعَلۡنَا فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ رَأۡفَةٗ وَرَحۡمَةٗۚ وَرَهۡبَانِيَّةً ٱبۡتَدَعُوهَا مَا كَتَبۡنَٰهَا عَلَيۡهِمۡ إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ رِضۡوَٰنِ ٱللَّهِ فَمَا رَعَوۡهَا حَقَّ رِعَايَتِهَاۖ فَـَٔاتَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۡهُمۡ أَجۡرَهُمۡۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
27. Markaasaan raacinnay raadadkoodii Rusushayada, Waxaana raacinnay Ciise, wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka. Waxaana yeellay quluubta kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis. Suufinnimadase (adduun ka jeedsiga)11 iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha Alle darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal.
11. Waa inayan xaas yeelan, oo iska caagaan, oo dhinac kaga baxaan dadka oo iska joogaan kaniisadda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَءَامِنُواْ بِرَسُولِهِۦ يُؤۡتِكُمۡ كِفۡلَيۡنِ مِن رَّحۡمَتِهِۦ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ نُورٗا تَمۡشُونَ بِهِۦ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
28.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu (Alle) idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, idiinna yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّئَلَّا يَعۡلَمَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَلَّا يَقۡدِرُونَ عَلَىٰ شَيۡءٖ مِّن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلۡفَضۡلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
29. Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan hayn waxna ka mid ah Galladda Alle, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Alle12, wuxuu siiyaa cidduu doono. Alle waa Rabbiga leh Galladda Weyn.
12. Gacanta Alle : Alle kor ahaaye wuxuu ku caddeeyey Qur’aanka inuu leeyahay tilmaamo gaar ah sida maqal, arag, labo indhood, weji, labo gacmood, sacabbo, faro, labo lugood, cago, inuu qoslo, cadhoodo, wax jeclaado, wax naco, wax karho, iwm. Iyadoo taasi jirto buu iska fogeeyey inuu yahay mid ay suureysan karaan aadmiga, oo wax la mid ah ma jiraan waana Isaga Maqal Badanaha, arkidda Badan, sidaas oy tahay waa in loo qiro tilmaamaha u sheegtay Alle ama Rasuulkiisu uu sheegay inuu leeyahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሐዲድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት