[1]. Zaaniyadda (dhillada) iyo zaaniga (dhillayga) waxaa lagu fulin ciqaabkaa hadday iskood u qirtaan inay faleen galmo xaaraan ah ama hadday ku marag furaan afar nin oo caadil ah.
[2]. Xukunka ku soo arooray Aayaddan wuxuu ku gaar yahay kuwa ku dhaca denbiga zinada (galmada xaaraanta ah) iyagoo aan horay marnaba u guursan, waa in la jeedalo boqol jeedal oo sannad la fogeeyo sida in la xabbiso. Qofkiise zineysta isagoo xaas ah ama horay u soo guursaday oo si dhan u qirta denbigaa, ama ay ku markhaati furaan afar nin oo caadil ah, waa in lagu shiido dhagax ilaa uu ka dhinto.
[3]. Waa inaysan turid aad u tureysaan dhillada iyo dhillayga idiin horseedin inaad wax ka beddeshaan wuxuu Alle qoray oo soo gooyey, waayo xeerarkiisa waxaa ugu jira dhowris iyo daryeel danaha dadweynaha oo dhan.
[4]. Dadkaa oo kale (dhillada ama dhillayga) looma guurin karo mu’miniinta in maahee ay tawbad keeneen oo toosnaadeen oo laga arko isbeddel wanaagsan iyo hanuun. Waxaa sidoo kale lagu fasiray ninka zaaniga ah (dhillayga) ma guursado waxaan ahayn zaaniyad (dhillo) la mid ah ama gaalad, haweenta zaaniyadda ahina (dhillada) waxaa guursada uun zaani (dhillay) la mid ah ama gaal, waana laga xaaraanshay mu’miniinta guursiga kuwaasi iyaga ah.
[5]. Hadalka inta ka go’an waa la qiyaasi karaa, wuxuu u dhacayaa waxaa ku dhici lahaa beenaalaha cadaab daran’.
[6]. Waxay tilmaameysaa dhacdadii markii xaaska Nabiga s.c.w. Caa’isha a.k.r ay been ugu tuhmeen munaafiqiinta inay la timid gogol dhaaf.
[7]. Waa Cabdullaah bin Ubay bin Salool, madaxii munaafiqiinta waagaas.
[8]. Halkaad ku maqli lahaydeen dhegahiinna macnaha waa idinkoo aan ka fekerin waxa aad maqasheen oo u fiirsan bal u degdegay inaad iska sheegsheegtaan warkaa been abuurka ah idinkoo aan tixgelin waxa aad leedihiin oo ku hadleysaan.
[9]. Waxaa gaar ahaan loola jeedaa zinada iyo xiriirrada xun ee aan bannaaeyn: galmada xaaraanta ah.
[10]. Arrimaha qarsoon ee wax waliba: Waxa wanaagsan ee dani ku jirto iyo faa’idada iyo waxa xun ee dhibaatada leh.
[11]. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Alle yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Alle idiin denbi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haayoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay.
[12]. Waxaa loola jeedaa mu’minaatka moog oo ka war la’ xumaha, mu’minaatka aanay marnaba ku soo dhicin qalbigooda inay falaan wax xun ee iyagu nadiifka ah dhowrsoon.
[13]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: Haweenka xun waxay u sugnaadeen nimanka xun, nimanka xunna waxaa u sugnaaday haween xun, haweenka wanaagsan waxay u sugnaadeen nimanka wanaagsan, nimanka wanaagsanna waxaa u sugnaaday haween wanaagsan. Arrinkanina waa sida qaalibka ah laakiin way dhacdaa inkastoo ayan badneyn in naag xumi uu ku soo aado nin wanaagsan, nin xunna ay ku soo aaddo naag wanaagsan, naag wanaagsanina uu ku soo aado nin xun, nin wanaagsanina ay ku soo aaddo naag xun. Laakiin waa in yar.
Alle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r.
[14]. Waa aad ku salaantaan salaanta islaamka: Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).
[15]. Ama weedh la mid ah noqda ee muujineysa in reerka guriga iska leh diyaar u ahayn inay qaabilaan dad soo booqda ( taasoo ah in la tixgeliyo).
[16]. Idiin yaallaan xoogaa manfaco ah sida nasiino, hoyaad, alaabo, qofka waxyaalahiiisa gaarka ah, iwm
[17]. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego.
[18]. Ha ka ilaaliyeen galmo xaaraan ah, iyo inay soo bandhigaan cawradooda, cawrada ninkana waa inta u dhexeysa xuddunta iyo jilibka, oo ha ka xafitaan sidoo kale ficillada aan bannaaneyn (galmooyinka xaaraanta ah).
[19]. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego. Cawrada haweenta markay debedda u baxeyso waa jirkooda oo dhan waa inayan waxba ka muuqan.
[20]. Haddii ay tahay quruxdooda dabiiciga ah sida timaha ama qaabka jirkooda, ama waxay dumarka isku qurxiyaan ee leh dharka qurxoon ama dahabka ay xidhaan, iwm.
[21]. Waa shukada ay dusha ka gashtaan dumarka oo jirkooda ku qarsadsaan ama wixii ka muuqda oo baahi keento ay ka fursan waayaan.
[22]. Waxay tilmaameysaa xaalad aan caadi ahayn oo ah nin aan innaba lahayn dareen galmo iyo u tegis haween iyo shahwo.
[23]. Waxaa loola jeedaa addoomahaa doonaya inay iska xoreeyaan kuwaasi iska leh ee milkiyey iyagoo siinaya qiimo ay ku wada heshiiyaan.
[24]. Waa xukunnada iyo xeerarka, gaar ahaan kuwa ku soo arooray Suuraddan.
[25]. Alle waa kan bixiya iyo halka uu ka yimaado nuurka iyo hanuunka.
[26]. Hanuunkiisa uu ku galladeysto qalbiga addoonkiisa mu’minka ah.
[27]. Misbaax erey ahaan waxaa weeye liifad ololeysa oo ah gunta nalka.
[28]. Waa Masaajida Alle.
Abuu Qataadah bin Ribci Al-Ansaari a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Markuu midkiin soo galo masjid waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood. (W.w. Al-Bukhaari)
Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ajarka salaadda ninka ragga ahi uu ku tukado jamaaco ahaan masjid waxay dheer tahay shan iyo labaatan jeer labo laab salaadda uu qofku ku tukado gurigiisa ama dukaankiisa. Maxaa yeelay markuu qofku si fiican u weeseysto oo u aado masjidka salaadda darteed, tallaabadii uu qaadaba waxaa kor loo qaadaa meeqaankiisa hal derejo, hal denbina waa looga tiraa, markuu tukadana, malaa'igtaa u duceysa intuu weesada qabo oo meeshiisa fadhiyo, iyagoo leh: Allow u denbi dhaaf, Allow u naxaariso, intuu salaadda sugayana wuxuu la mid yahay isagoo ku jira salaad. (W.w. Al-Bukhaari).
[29]. Waayo gaaladu acmaashooda kuma dhisna towxiid iyo ku iimaan qab Alle Keliya iyagoo aan la wadaajin cibaadada cidna.
[30]. Macno kale waa daacad la yaqaan macnaha waa oggolaanshaha iyo maqlidda ay muujiyaan munaafiqiinta waa mid la yaqaan inay been tahay.
[31]. Waa dafira nicmadda Alle ama aan ku noolaan si waafaqsan xukunkiisa iyo xeerarkiisa.
[32]. Waa seddex waqti oo badi dadku jirkooda daboolneyn oo furan yihiin, sidaas awgeed buu Alle uga reebay addoomaha ka adeega guryaha iyo carruurta aan qaan gaarin inay u soo galaan qolka hurdada ninka iyo naagtiisa.
[33]. Waa kuwii ka weynaa da’ ahaan ay idan u qaataan. Wiilka kurayga ah ama addoonka waa inuu idan qaato ka hor soo gelidda qolka.
[34]. Xijaabka (cabbaayada) ay dusha ka xirtaan ee hadday iska dhigaan aanay muuqaneyn cowradooda bal uu kaga hooseeyo canbuur astura, iwm dhib ma leh xagga dumarka da’da ah ee duqoobay inayan dedin luqumahooda ama qayb ka mid ah gacmahooda.
[35]. Oo xijaabkooda kore dhigin oo wejiga dabooshaan.
[36]. Guryaha aad deggan tihiin.
[37]. Waa inaad dhahdaan “Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).
[38]. Macnaha sidoo kale waxaa weeye dhabbahiisa ama sunnadiisa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la yimaado camal aan ahayn amarkayaga waa lagu soo celin oo lagama aqbalayo.”
[39]. Imtixaan la marsiiyo, musiibooyin ku dhaca, is nac dhexdooda, iyo kala qaybsanaan, dhibaato soo gaadha, gaajo iyo abaaro, iwm.
[40]. Halka aad ku sugan tihiin – gunta iyo ujeeddada aad ka leedihiin camalladiinna ( hadday daacad idinka tahay iyo Dar Alle ama munaafiqnimo) iyo xaaladda nafahiinna ay ku sugan yihiin.
[41]. Macnaha wuxuu sidoo kale u dhacayaa: “Oo ( ha ka digtoonadaan) Maalintaa.