د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - یعقوب * - د ژباړو فهرست (لړلیک)

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

د معناګانو ژباړه سورت: العنكبوت   آیت:

Suurada Al-cankabuut

الٓمٓ
1. Alif Laam-Miim1
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
عربي تفسیرونه:
أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتۡرَكُوٓاْ أَن يَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا وَهُمۡ لَا يُفۡتَنُونَ
2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?
عربي تفسیرونه:
وَلَقَدۡ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡكَٰذِبِينَ
3. Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Allena wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada.
عربي تفسیرونه:
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسۡبِقُونَاۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
4. Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaha (shirkiga iyo xumaha kale sida dilka, zinada-dhilleysiga, xatooyada,kibirka, beenta, khiyaanada, xasadka, iwm) inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.
عربي تفسیرونه:
مَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَأٓتٖۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
5. Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo), Allena waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
عربي تفسیرونه:
وَمَن جَٰهَدَ فَإِنَّمَا يُجَٰهِدُ لِنَفۡسِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
6. Qofkii dadaala (xagga diinta), wuxuu u dadaalayaa naftiisa. Hubaal Alle waa ka deeqtoon yahay uumanka.
عربي تفسیرونه:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَحۡسَنَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
7. Kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan u asturi ceebahooda, waxaana u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falayeen.
عربي تفسیرونه:
وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حُسۡنٗاۖ وَإِن جَٰهَدَاكَ لِتُشۡرِكَ بِي مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٞ فَلَا تُطِعۡهُمَآۚ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi2, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idink abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).
2. Waa aydaan wax xujo ah u heysan ilaahnimadooda. Ma jiraan wax cilmi ah oo loo heli karo waxaan jirin ama aan run ahayn.
عربي تفسیرونه:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُدۡخِلَنَّهُمۡ فِي ٱلصَّٰلِحِينَ
9. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, Waxaan dhex gelin kuwa wanaagsan (Jannada gudaheeda).
عربي تفسیرونه:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ فَإِذَآ أُوذِيَ فِي ٱللَّهِ جَعَلَ فِتۡنَةَ ٱلنَّاسِ كَعَذَابِ ٱللَّهِۖ وَلَئِن جَآءَ نَصۡرٞ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمۡۚ أَوَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِمَا فِي صُدُورِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
10. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeynay Alle, markiise lagu dhibaateeyo Alle darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Alle, hadduuna ka yimaado gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiinta) hubaal odhan: Waxaanu aheyn la jirkiin. Miyuusan Alle ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha (dadka).
عربي تفسیرونه:
وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ
11. Allena wuu muujin kuwa rumeeyey (Xaqa), wuuna muujin munaafiqiinta.
عربي تفسیرونه:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبِعُواْ سَبِيلَنَا وَلۡنَحۡمِلۡ خَطَٰيَٰكُمۡ وَمَا هُم بِحَٰمِلِينَ مِنۡ خَطَٰيَٰهُم مِّن شَيۡءٍۖ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
12. Kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (Xaqa) rumeeyey: Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi denbiyadiinna3. Mana aha kuwo ka qaadi denbiyadooda waxba; waa beenlawyo.
3. Macnahu wuxuu sidoo kale noqon karaa: Markaa aan qaadnee denbiyadiinna, macnaha waa innagaa nala weydiin oo mas’uul ka ah denbiyadiinna.
عربي تفسیرونه:
وَلَيَحۡمِلُنَّ أَثۡقَالَهُمۡ وَأَثۡقَالٗا مَّعَ أَثۡقَالِهِمۡۖ وَلَيُسۡـَٔلُنَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عَمَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
13. Waxayna qaadi culaysyadooda4, iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuuran jireen.
4. Waxay qaadi doonaan denbiyadooda, ay u dheer yihiin denbiyada dadka ay lumiyeen, iyagoo kuwaasi dambe aan iyagana denbiga sidaa uusan kaga dhaceyn oo lagaga naaqusineyn.
عربي تفسیرونه:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَلَبِثَ فِيهِمۡ أَلۡفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمۡسِينَ عَامٗا فَأَخَذَهُمُ ٱلطُّوفَانُ وَهُمۡ ظَٰلِمُونَ
14. Waxaanu dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, waxaana qaaday Duufaan iyagoo ah daalimiin.
عربي تفسیرونه:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَصۡحَٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلۡنَٰهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
15. Oo waan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo5 (digniin) ummadaha.
5. Waxaa loola jeedaa doonnida, ama dhacdadaasi weyn.
عربي تفسیرونه:
وَإِبۡرَٰهِيمَ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُۖ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo dhowra (xilkuu idin saaray), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.
عربي تفسیرونه:
إِنَّمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا وَتَخۡلُقُونَ إِفۡكًاۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ لَكُمۡ رِزۡقٗا فَٱبۡتَغُواْ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزۡقَ وَٱعۡبُدُوهُ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥٓۖ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Alle, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Alle sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Alle agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin.
عربي تفسیرونه:
وَإِن تُكَذِّبُواْ فَقَدۡ كَذَّبَ أُمَمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad (ee Diinta Alle)6.
6. Mufasiriinta waxay isku khilaafeen Aayaddan inay tahay mid la socota hadalkii Nabi Ibraahiim, ama hadal uu Alle ku samirsiinayo oo ugu laab qaboojinayo Nabi Muxammad s.c.w., sidase ka muuqata hal dhaca hadalka waa inay u tahay samirsiin iyo laab qaboojin Nabi Muxammad s.c.w.
عربي تفسیرونه:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ كَيۡفَ يُبۡدِئُ ٱللَّهُ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ
19. Miyeyna u fiirsan sida Alle u billaabo abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Hubaal arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.
عربي تفسیرونه:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ بَدَأَ ٱلۡخَلۡقَۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأٓخِرَةَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
20. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya sida (Alle) u billaabay uunka, haddana Alle u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Alle wax walba wuu Karaa.
عربي تفسیرونه:
يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَرۡحَمُ مَن يَشَآءُۖ وَإِلَيۡهِ تُقۡلَبُونَ
21. Wuxuu cadaabi qofkuu doono, oo u naxariisan qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin.
عربي تفسیرونه:
وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ
22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
عربي تفسیرونه:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَلِقَآئِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ يَئِسُواْ مِن رَّحۡمَتِي وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
23. Kuwa rumeyn diida Aayadaha Alle iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
عربي تفسیرونه:
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱقۡتُلُوهُ أَوۡ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: 'Dila isaga ama guba'. Markaasuu Alle ka badbaadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
عربي تفسیرونه:
وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا مَّوَدَّةَ بَيۡنِكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُ بَعۡضُكُم بِبَعۡضٖ وَيَلۡعَنُ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ
25. Wuxuu (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Alle sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari.
عربي تفسیرونه:
۞ فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٞۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
عربي تفسیرونه:
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَجۡرَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan.
عربي تفسیرونه:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha.
عربي تفسیرونه:
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقۡطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأۡتُونَ فِي نَادِيكُمُ ٱلۡمُنكَرَۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
29. Ma waxaad u tagtaan ragga, oo aad goysaan jidka7, oo kula timaaddaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso.
7. Idinkoo jidka gooya oo burcad ah oo u geysta dhac iyo boob socotada. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa gooya taranka u tegidiinna ragga darteed halkii dumarka, taasoo keeneysa tarmid la’aan dadka.
عربي تفسیرونه:
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya.
عربي تفسیرونه:
وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُوٓاْ إِنَّا مُهۡلِكُوٓاْ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِۖ إِنَّ أَهۡلَهَا كَانُواْ ظَٰلِمِينَ
31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada8 waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin.
8. Waa dhalashada Isxaaq, iyo wiil wiilki Yacquub.
عربي تفسیرونه:
قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطٗاۚ قَالُواْ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَن فِيهَاۖ لَنُنَجِّيَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal (cadaabka)9.
9. Waxaa lala cadaabay dadkeeda maadaama ay ku kaalmeyneysey xumahooda.
عربي تفسیرونه:
وَلَمَّآ أَن جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗاۖ وَقَالُواْ لَا تَخَفۡ وَلَا تَحۡزَنۡ إِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهۡلَكَ إِلَّا ٱمۡرَأَتَكَ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
33. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd)u timid Luud wuu ka murugooday10, oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.
10. Eeg sharaxa Suuradda 11: Aayadda 77.
عربي تفسیرونه:
إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰٓ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ رِجۡزٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
34. Waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga iman samada caasintooda darteed.
عربي تفسیرونه:
وَلَقَد تَّرَكۡنَا مِنۡهَآ ءَايَةَۢ بَيِّنَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh.
عربي تفسیرونه:
وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗا فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱرۡجُواْ ٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro, hana ku bi'innina (hallaynina) arlada fasahaad.
عربي تفسیرونه:
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ
37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan.
عربي تفسیرونه:
وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَٰكِنِهِمۡۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَكَانُواْ مُسۡتَبۡصِرِينَ
38.Oo (waxaan halaagnay) Caad iyo Thamuud. (Halaaggooduna) wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii. Wuxuuna shaydaan u qurxiyey camalladoodii (xumaa) oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen dad il bax ah.11
11. Hadday waantoobayaan yacni waxay ahaayeen kuwo reer magaal ah leh aqoon hab agaasin ku dhisan oo loola jeedo in arrimaha adduunka baxaalligooda iyo salkooda la gaaro, si fiicanna dhulka loo camiro, oo saro dhaadheer loogaga dhiso, wax kastana maamul fiican loo sameeyo.
عربي تفسیرونه:
وَقَٰرُونَ وَفِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانُواْ سَٰبِقِينَ
39. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna (waa la halaagay). Wuxuuna Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku kibreen arlada, mase aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabkayaga).
عربي تفسیرونه:
فَكُلًّا أَخَذۡنَا بِذَنۢبِهِۦۖ فَمِنۡهُم مَّنۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِ حَاصِبٗا وَمِنۡهُم مَّنۡ أَخَذَتۡهُ ٱلصَّيۡحَةُ وَمِنۡهُم مَّنۡ خَسَفۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ وَمِنۡهُم مَّنۡ أَغۡرَقۡنَاۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
40. Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran (sida qoonkii Luud), waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn (sida Thamuud iyo qoonkii Shucayb), waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka (Qaaruun); waxaana ka mid ahaa kuwo aan harqinnay (Qoonkii Nuux iyo Fircoon). Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay.
عربي تفسیرونه:
مَثَلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَ كَمَثَلِ ٱلۡعَنكَبُوتِ ٱتَّخَذَتۡ بَيۡتٗاۖ وَإِنَّ أَوۡهَنَ ٱلۡبُيُوتِ لَبَيۡتُ ٱلۡعَنكَبُوتِۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
41. Mataalka kuwa sameysta awliyo (sokeeye uu gargaar ka dalbo) aan aheyn Alle waa sida mataalka caadho yeelatay guri, waxaana ugu liita guryaha, guriga caadhada; hadday og yihiin.
عربي تفسیرونه:
إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
42. Hubaal Alle wuu ogsoon yahay waxay baryaan Isaga sokadi. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
عربي تفسیرونه:
وَتِلۡكَ ٱلۡأَمۡثَٰلُ نَضۡرِبُهَا لِلنَّاسِۖ وَمَا يَعۡقِلُهَآ إِلَّا ٱلۡعَٰلِمُونَ
43. Tusaalooyinkanna waxaan u soo qaadannaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwa cilmiga leh.
عربي تفسیرونه:
خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
44. Alle wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta.
عربي تفسیرونه:
ٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَۖ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۗ وَلَذِكۡرُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَصۡنَعُونَ
45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco), xusidda Alle baana weyn. Allena wuu Og yahay waxaad sameyneysaan.
عربي تفسیرونه:
۞ وَلَا تُجَٰدِلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡۖ وَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَأُنزِلَ إِلَيۡكُمۡ وَإِلَٰهُنَا وَإِلَٰهُكُمۡ وَٰحِدٞ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ
46. Ha la doodinina ehlu Kitaabka si wanaagsan maahee, marka laga reebo kuwa dulmiga fala, dhahana: Waxaanu rumeysannahay waxa nalagu soo dejiyey iyo waxa la idinku soo dejiyey oo Waxyi ah; Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya Alle,innaguna Isagaan u hoggaansannahay.
عربي تفسیرونه:
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَۚ فَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۖ وَمِنۡ هَٰٓؤُلَآءِ مَن يُؤۡمِنُ بِهِۦۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلۡكَٰفِرُونَ
47. Sidaasaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka). Kuwa aanu siinnay Kitaabka (ee gartay) way rumeysan yihiin, kuwaana (Carabta iyo qeyrkoodba) waxaa ka mid ah kuwo rumeysan, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada (macangagga ah).
عربي تفسیرونه:
وَمَا كُنتَ تَتۡلُواْ مِن قَبۡلِهِۦ مِن كِتَٰبٖ وَلَا تَخُطُّهُۥ بِيَمِينِكَۖ إِذٗا لَّٱرۡتَابَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
48. Ma aadna akhriyin horti (Nabiyow) wax Kitaab ah, mana aad ku qorin gacantaada midig, markaas kuwa ehlu baadilka ahi way shakiyi lahaayeen.
عربي تفسیرونه:
بَلۡ هُوَ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ فِي صُدُورِ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلظَّٰلِمُونَ
49. Waase Aayado cad cad Qur’aanku oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
عربي تفسیرونه:
وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَٰتٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡأٓيَٰتُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
50. Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin (mucjiso) loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa uun xagga Alle, aniguse waxaan uun ahay dige cad.
عربي تفسیرونه:
أَوَلَمۡ يَكۡفِهِمۡ أَنَّآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَرَحۡمَةٗ وَذِكۡرَىٰ لِقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
51. Miyaanay ku fillayn inaan kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) loo akhriyo? Arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano ciddii rumayn (Xaqa).
عربي تفسیرونه:
قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡ شَهِيدٗاۖ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ وَكَفَرُواْ بِٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
52. Dheh: Alle baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo ku gaalooba Alle, waa kuwaa uun kuwa iyagu khasaari (ee ku dambeyn hoog iyo halaag).
عربي تفسیرونه:
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَوۡلَآ أَجَلٞ مُّسَمّٗى لَّجَآءَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ وَلَيَأۡتِيَنَّهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
53. Waxayna ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn.
عربي تفسیرونه:
يَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ
54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada.
عربي تفسیرونه:
يَوۡمَ يَغۡشَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۡ وَيَقُولُ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen.
عربي تفسیرونه:
يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ أَرۡضِي وَٰسِعَةٞ فَإِيَّٰيَ فَٱعۡبُدُونِ
56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda.
عربي تفسیرونه:
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ
57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri. Xaggayagaana la idiin soo celin.
عربي تفسیرونه:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ غُرَفٗا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ نِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ
58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha.
عربي تفسیرونه:
ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
59. Ee ah kuwa samra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta.
عربي تفسیرونه:
وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٖ لَّا تَحۡمِلُ رِزۡقَهَا ٱللَّهُ يَرۡزُقُهَا وَإِيَّاكُمۡۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Alle baa arsaaqa iyo idinkaba. Allena Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
عربي تفسیرونه:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
عربي تفسیرونه:
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
62. Alle wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.
عربي تفسیرونه:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ مَوۡتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan.
عربي تفسیرونه:
وَمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا لَهۡوٞ وَلَعِبٞۚ وَإِنَّ ٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ لَهِيَ ٱلۡحَيَوَانُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
64. Ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn madaddaalo iyo ciyaar. Oo hubaal Daarta dambeysa - taasi weeyaan nolosha dhabta ah (ee waarista), waase hadday og yihiin.
عربي تفسیرونه:
فَإِذَا رَكِبُواْ فِي ٱلۡفُلۡكِ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ إِذَا هُمۡ يُشۡرِكُونَ
65. Markay koraan doonyaha, waxay baryaan Alle (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaasay u shariik yeelaan.
عربي تفسیرونه:
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ وَلِيَتَمَتَّعُواْۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
66. Sidaasay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeysteen 12, wayse ogaan doonaan (cidhibteeda).
12. Waxaa sidoo kale Aayadda loo fasiri karaa gooddin ahaan: “Ee ha ka abaal dhacaan waxa aanu siinnay oo ha iska raaxeystaan, wayse ogaan doonaan waxa ku dhaca.
عربي تفسیرونه:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا حَرَمًا ءَامِنٗا وَيُتَخَطَّفُ ٱلنَّاسُ مِنۡ حَوۡلِهِمۡۚ أَفَبِٱلۡبَٰطِلِ يُؤۡمِنُونَ وَبِنِعۡمَةِ ٱللَّهِ يَكۡفُرُونَ
67. Miyeyna arkayn (gaaladii Quraysheed) inaanu yeellay (dejinnay) Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda13? Ee ma baadil (shirki) bay rumeyn, oo ku gaaloobi Nicmadda Alle (Towxiidka)?
13. Macnaha waa in la dilo oo loo soo qaato qafaal ahaan.
عربي تفسیرونه:
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ
68. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle ama beeniya Xaqa markuu u yimid? Miyaanay ahayn Naarta hoyga gaalada?
عربي تفسیرونه:
وَٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ فِينَا لَنَهۡدِيَنَّهُمۡ سُبُلَنَاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَمَعَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga (diinta oo ku camal fala), waxaanu ku hanuunin Jidadkayaga (lagu nabad galo), Allena wuxuu la jiraa sama falayaasha.
عربي تفسیرونه:
 
د معناګانو ژباړه سورت: العنكبوت
د سورتونو فهرست (لړلیک) د مخ نمبر
 
د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - یعقوب - د ژباړو فهرست (لړلیک)

صومالي ژبې ته د قرآن کریم د معناګانو ژباړه، عبد الله حسن یعقوب ژباړلې ده.

بندول