[56]. Waxay u yidhaahdeen Ciise Rasuulkii Alle jeesjees ahaan, waayo ma rumeysneen Risaaladii Ciise c.s.
[57]. Aayaddan waxay burineysaa sheegashada Yuhuudda inay dileen Ciise c.s.: Alle wuxuu leeyahay ma ay dilin iyagoo huba inuu shakhsi ahaan isaga yahay, taasi macnaheedu waxaa weeye waxay dileen qof kale iyagoo moodayay Ciise c.s.
[58]. Yuhuudi iyo Nasraani kasta ka hor dhimashadiisa (Ciise) waxay aamini inuu Ciise yahay Rasuul Alle, iyo inuusan ahayn wiilkii Alle siday lahaayeen. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Mid walba oo ka mid ah Yuhuudda iyo Nasaarada wuxuu aamini sidaa ka hor dhimashadiisa (waqtiga geeridiisa).