Check out the new design

Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob * - Índice de tradução

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Tradução dos significados Surah: Ar-Raad   Versículo:
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِ وَقَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِمُ ٱلۡمَثُلَٰتُۗ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلۡمِهِمۡۖ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
6. Waxay (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan 'Cadaab' [5] halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.
5. Waxay yidhaahdeen iyagoo ka hor imaanaya Nabiga s.c.w. oo ku jeesjeesaya noo keen ciqaab haddaad run sheegeyso, halkay dalbi lahaayeen naxariista Alle iyo denbi dhaafkiisa.
Os Tafssir em língua árabe:
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦٓۗ إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرٞۖ وَلِكُلِّ قَوۡمٍ هَادٍ
7. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye.
Os Tafssir em língua árabe:
ٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَحۡمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلۡأَرۡحَامُ وَمَا تَزۡدَادُۚ وَكُلُّ شَيۡءٍ عِندَهُۥ بِمِقۡدَارٍ
8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo [6], iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba [7]. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.
6. Isagoo aqoon dhan u leh wax kastoo ku saabsan ilmahaas uurka ku jira.
7. Dhaafsiisan waqtiga caadiga ee uurka oo ogsoon muddada ilmaha ku jira uurka.
Os Tafssir em língua árabe:
عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡكَبِيرُ ٱلۡمُتَعَالِ
9. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, waa Weynaha, aad u Sarreeya.
Os Tafssir em língua árabe:
سَوَآءٞ مِّنكُم مَّنۡ أَسَرَّ ٱلۡقَوۡلَ وَمَن جَهَرَ بِهِۦ وَمَنۡ هُوَ مُسۡتَخۡفِۭ بِٱلَّيۡلِ وَسَارِبُۢ بِٱلنَّهَارِ
10. Waa isugu mid (Alle) kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariya habeenka iyo (kan) socda dharaar cad.
Os Tafssir em língua árabe:
لَهُۥ مُعَقِّبَٰتٞ مِّنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦ يَحۡفَظُونَهُۥ مِنۡ أَمۡرِ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡۗ وَإِذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِقَوۡمٖ سُوٓءٗا فَلَا مَرَدَّ لَهُۥۚ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَالٍ
11. Wuxuu leeyahay (qof kasta) kuwo is beddela 'malaa’ig' [8], oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Alle [9]. Alle ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Markuu Alle la doonona qolo xumaan, cidna ma baajin karto, mana leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara.
8. Iyagoo isku beddela moogaaleysi.
9. Waxaa weedhan loo qaadan karaa sidoo kale : kuwaasoo ka ilaaliya wax kasta wixii Alle u qoray oo qaddaray maahee.
Os Tafssir em língua árabe:
هُوَ ٱلَّذِي يُرِيكُمُ ٱلۡبَرۡقَ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَيُنشِئُ ٱلسَّحَابَ ٱلثِّقَالَ
12. Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo la culus.
Os Tafssir em língua árabe:
وَيُسَبِّحُ ٱلرَّعۡدُ بِحَمۡدِهِۦ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ مِنۡ خِيفَتِهِۦ وَيُرۡسِلُ ٱلصَّوَٰعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَآءُ وَهُمۡ يُجَٰدِلُونَ فِي ٱللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ ٱلۡمِحَالِ
13. Wuxuu ku tasbiixsadaa onkodku Xamdiga Alle, malaa’igtuna ka Heybeysigi darteed, Wuxuu soo diraa danabyada oo ku ridaa cidduu doono [10], iyaguna waxay ka doodaan arrinka Alle Isagoo Awood Badan oo Ciqaabkiisu Daran Yahay.
10. Waa ciqaab ama halaagid denbiyadooda dartood.
Os Tafssir em língua árabe:
 
Tradução dos significados Surah: Ar-Raad
Índice de capítulos Número de página
 
Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob - Índice de tradução

Tradução por Abdullah Hassan Jacob.

Fechar