Check out the new design

Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob * - Índice de tradução

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Tradução dos significados Surah: At-Tahrim   Versículo:

At-taxriim

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَۖ تَبۡتَغِي مَرۡضَاتَ أَزۡوَٰجِكَۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
1. Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
1. At-Taxriim: Iska xaaraantinimeyn.
Os Tafssir em língua árabe:
قَدۡ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمۡ تَحِلَّةَ أَيۡمَٰنِكُمۡۚ وَٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
2. Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo [2]. Alle waa gargaarahiin. Waa wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.
2. Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: eeg Suuradda 5: Aayadda 89
Os Tafssir em língua árabe:
وَإِذۡ أَسَرَّ ٱلنَّبِيُّ إِلَىٰ بَعۡضِ أَزۡوَٰجِهِۦ حَدِيثٗا فَلَمَّا نَبَّأَتۡ بِهِۦ وَأَظۡهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ عَرَّفَ بَعۡضَهُۥ وَأَعۡرَضَ عَنۢ بَعۡضٖۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتۡ مَنۡ أَنۢبَأَكَ هَٰذَاۖ قَالَ نَبَّأَنِيَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
3. Markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa [3], markayse u sheegaty mid kale [4] warkaa, Allena u soo bandhigay (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.
3. Waa Xafsah a.k.r.
4. Waa Caa'ishah a.k.r.
Os Tafssir em língua árabe:
إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدۡ صَغَتۡ قُلُوبُكُمَاۖ وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيۡهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوۡلَىٰهُ وَجِبۡرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
4. Haddaad labadiinnu Alle u noqotaan (oo tawbad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.
Os Tafssir em língua árabe:
عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبۡدِلَهُۥٓ أَزۡوَٰجًا خَيۡرٗا مِّنكُنَّ مُسۡلِمَٰتٖ مُّؤۡمِنَٰتٖ قَٰنِتَٰتٖ تَٰٓئِبَٰتٍ عَٰبِدَٰتٖ سَٰٓئِحَٰتٖ ثَيِّبَٰتٖ وَأَبۡكَارٗا
5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo tawbad keen badan, caabidooyin, soomanooyin [5], leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.
5. Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Alle (Islaamka) iyo wanaagga iyo samo ka talinta.
Os Tafssir em língua árabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ وَأَهۡلِيكُمۡ نَارٗا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلۡحِجَارَةُ عَلَيۡهَا مَلَٰٓئِكَةٌ غِلَاظٞ شِدَادٞ لَّا يَعۡصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمۡ وَيَفۡعَلُونَ مَا يُؤۡمَرُونَ
6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar lagu hurinaayo dad iyo dhagax, ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Alle wuxuu ku amraba, waxayna falaan wixii la amro.
Os Tafssir em língua árabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَعۡتَذِرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
7. Gaaloy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen.
Os Tafssir em língua árabe:
 
Tradução dos significados Surah: At-Tahrim
Índice de capítulos Número de página
 
Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob - Índice de tradução

Tradução por Abdullah Hassan Jacob.

Fechar