Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub.

external-link copy
44 : 11

وَقِيلَ يَٰٓأَرۡضُ ٱبۡلَعِي مَآءَكِ وَيَٰسَمَآءُ أَقۡلِعِي وَغِيضَ ٱلۡمَآءُ وَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ وَٱسۡتَوَتۡ عَلَى ٱلۡجُودِيِّۖ وَقِيلَ بُعۡدٗا لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

44. Waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad (jooji), biyihiina waa la gudhiyey, amarkii (Allena) hirgalay [13]. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi [14], waxaana la yidhi: Ha fogaadeen qoloda daalimiinta ah. info

[13]. Alle wuu oofiyey gooddigiisa inuu halligi doono gaalada, kuwaasoo diiday Dhambaalkii Nuux c.s., oo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida, wuxuuna Alle xafiday oo badbaadshay mu’miniinta.
[14]. Buurta Juudi ee ku taal Armiiniya oo Koonfur ka xigta Turkiya xuduudda Mesopatmia.

التفاسير: