Check out the new design

Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. * - Ishakiro ry'ibisobanuro

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Kah’fu   Umurongo:
إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَءَاتَيۡنَٰهُ مِن كُلِّ شَيۡءٖ سَبَبٗا
84. Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab
(cilmi).
Ibisobanuro by'icyarabu:
فَأَتۡبَعَ سَبَبًا
85. Wuxuu raacay waddo.
Ibisobanuro by'icyarabu:
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغۡرِبَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَغۡرُبُ فِي عَيۡنٍ حَمِئَةٖ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوۡمٗاۖ قُلۡنَا يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمۡ حُسۡنٗا
86. Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah19, oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay qiraan ashahaadada) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).
19. Macno kale waa il biyo kulul.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوۡفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابٗا نُّكۡرٗا
87. Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala (oo naga fallaagooba)20, waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.
20. Ku adkeysta shirki, gaalnimo, denbi, iwm oo aan dooneyn inuu hanuuno oo qaato Islaamka.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَأَمَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلۡحُسۡنَىٰۖ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنۡ أَمۡرِنَا يُسۡرٗا
88. Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.
Ibisobanuro by'icyarabu:
ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا
89. Markaasuu raacay waddo (kale),
Ibisobanuro by'icyarabu:
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطۡلِعَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَطۡلُعُ عَلَىٰ قَوۡمٖ لَّمۡ نَجۡعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتۡرٗا
90. Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan21.
21. Dad masaakiin ah aan waxba heysan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
كَذَٰلِكَۖ وَقَدۡ أَحَطۡنَا بِمَا لَدَيۡهِ خُبۡرٗا
91. Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.
Ibisobanuro by'icyarabu:
ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا
92. Markaasuu raacay waddo (kale),
Ibisobanuro by'icyarabu:
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيۡنَ ٱلسَّدَّيۡنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوۡمٗا لَّا يَكَادُونَ يَفۡقَهُونَ قَوۡلٗا
93. Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba22.
22. Waxay ahaayeen dad aan garaneyn af aan ahayn afkooda, waayo afkooda wuu ka duwanaa afafka qeyrkood, mana caddeyn karin muraadkooda aqoon yari darteed.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قَالُواْ يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِنَّ يَأۡجُوجَ وَمَأۡجُوجَ مُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَهَلۡ نَجۡعَلُ لَكَ خَرۡجًا عَلَىٰٓ أَن تَجۡعَلَ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَهُمۡ سَدّٗا
94. Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug23 ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?
23. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa labo qolo oo waxshi ah oo deggan qaybo ballaaran oo ka mid ah Aasiyada dhexe, kuwaasoo fala nooc kasta oo fasahaad ah.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيۡرٞ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجۡعَلۡ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُمۡ رَدۡمًا
95. Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.
Ibisobanuro by'icyarabu:
ءَاتُونِي زُبَرَ ٱلۡحَدِيدِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيۡنَ ٱلصَّدَفَيۡنِ قَالَ ٱنفُخُواْۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارٗا قَالَ ءَاتُونِيٓ أُفۡرِغۡ عَلَيۡهِ قِطۡرٗا
96. Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.
Ibisobanuro by'icyarabu:
فَمَا ٱسۡطَٰعُوٓاْ أَن يَظۡهَرُوهُ وَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ لَهُۥ نَقۡبٗا
97. Mana karin (Yajuuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
 
Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Kah’fu
Urutonde rw'amasura numero y'urupapuro
 
Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. - Ishakiro ry'ibisobanuro

Byasobanuwe na Abdallah Hassan Ya'aqub.

Gufunga