Check out the new design

Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. * - Ishakiro ry'ibisobanuro

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ibisobanuro by'amagambo Isura: Yaasiin   Umurongo:
وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلًا أَصۡحَٰبَ ٱلۡقَرۡيَةِ إِذۡ جَآءَهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
13. Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray).
Ibisobanuro by'icyarabu:
إِذۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱثۡنَيۡنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزۡنَا بِثَالِثٖ فَقَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَيۡكُم مُّرۡسَلُونَ
14. Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid seddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قَالُواْ مَآ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَكۡذِبُونَ
15.Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قَالُواْ رَبُّنَا يَعۡلَمُ إِنَّآ إِلَيۡكُمۡ لَمُرۡسَلُونَ
16. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَمَا عَلَيۡنَآ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
17. Nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka).
Ibisobanuro by'icyarabu:
قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ
18. Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قَالُواْ طَٰٓئِرُكُم مَّعَكُمۡ أَئِن ذُكِّرۡتُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ
19. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan.
3. Gooddinta aad noo gooddineysaan ma waxaa u sabab ah inaan wax xaq ah idiin sheegno oo idinku waaninno.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَجَآءَ مِنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ رَجُلٞ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُواْ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
20. Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin rooraya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha;
Ibisobanuro by'icyarabu:
ٱتَّبِعُواْ مَن لَّا يَسۡـَٔلُكُمۡ أَجۡرٗا وَهُم مُّهۡتَدُونَ
21. Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَمَالِيَ لَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
22. Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan i abuuray? Xaggiisaana la idin soo celin.
Ibisobanuro by'icyarabu:
ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدۡنِ ٱلرَّحۡمَٰنُ بِضُرّٖ لَّا تُغۡنِ عَنِّي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا يُنقِذُونِ
23. Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan?
Ibisobanuro by'icyarabu:
إِنِّيٓ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
24. Markaa xaqiiq waxaan ku suganahay habow cad.
Ibisobanuro by'icyarabu:
إِنِّيٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمۡ فَٱسۡمَعُونِ
25. Hubaal anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قِيلَ ٱدۡخُلِ ٱلۡجَنَّةَۖ قَالَ يَٰلَيۡتَ قَوۡمِي يَعۡلَمُونَ
26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan4.
4. Ninkaa waxaa la odhan jirey Xabiib oo ahaa geed qore, sidaas darteed baa waxaa loo yiqiin Xabiib Al-Najjaar. Inta aysan nafta ka bixin waxaa soo degay malaa’ig ugu bishaaraysay in loo dhaafay dhammaan dunuubtiisa oo uu geli doono Jannada. Magaaladaas waxay ahayd Antaakiya.
Ibisobanuro by'icyarabu:
بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ
27. Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay!
Ibisobanuro by'icyarabu:
 
Ibisobanuro by'amagambo Isura: Yaasiin
Urutonde rw'amasura numero y'urupapuro
 
Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. - Ishakiro ry'ibisobanuro

Byasobanuwe na Abdallah Hassan Ya'aqub.

Gufunga