Check out the new design

Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. * - Ishakiro ry'ibisobanuro

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ibisobanuro by'amagambo Isura: Annisau   Umurongo:
يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ وَلَا تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّۚ إِنَّمَا ٱلۡمَسِيحُ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ رَسُولُ ٱللَّهِ وَكَلِمَتُهُۥٓ أَلۡقَىٰهَآ إِلَىٰ مَرۡيَمَ وَرُوحٞ مِّنۡهُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۖ وَلَا تَقُولُواْ ثَلَٰثَةٌۚ ٱنتَهُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ إِنَّمَا ٱللَّهُ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓ أَن يَكُونَ لَهُۥ وَلَدٞۘ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
171.Ehlul-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina diintiinna (iyo camalkiinna), hana ka sheegina Alle waxaan xaq ahayn. Masiixa Ciise ina Maryam waa uun Rasuul Alle iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Alle waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka.
Ibisobanuro by'icyarabu:
لَّن يَسۡتَنكِفَ ٱلۡمَسِيحُ أَن يَكُونَ عَبۡدٗا لِّلَّهِ وَلَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ ٱلۡمُقَرَّبُونَۚ وَمَن يَسۡتَنكِفۡ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَيَسۡتَكۡبِرۡ فَسَيَحۡشُرُهُمۡ إِلَيۡهِ جَمِيعٗا
172. Masiixa (Ciise ina Maryam) sinnaba isagama kibriyo inuu ahaado addoon Alle, iyo sidoo kale malaa’igta u dhow (Alle). Qofkii iska kibriya Caabudidda (Alle) oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin Xaggiisa dhammaantood.
Ibisobanuro by'icyarabu:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُوَفِّيهِمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضۡلِهِۦۖ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسۡتَنكَفُواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ فَيُعَذِّبُهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
173. Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase iska weyneeya Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
Ibisobanuro by'icyarabu:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُم بُرۡهَٰنٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ نُورٗا مُّبِينٗا
174. Dadow! Waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), Waxaana idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka).
Ibisobanuro by'icyarabu:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَٱعۡتَصَمُواْ بِهِۦ فَسَيُدۡخِلُهُمۡ فِي رَحۡمَةٖ مِّنۡهُ وَفَضۡلٖ وَيَهۡدِيهِمۡ إِلَيۡهِ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
175. Ma kuwa rumeeya Alle oo si sugan u qabsada (Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin Xaggiisa Jid Toosan (Islaamka).
Ibisobanuro by'icyarabu:
 
Ibisobanuro by'amagambo Isura: Annisau
Urutonde rw'amasura numero y'urupapuro
 
Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. - Ishakiro ry'ibisobanuro

Byasobanuwe na Abdallah Hassan Ya'aqub.

Gufunga