Check out the new design

Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. * - Ishakiro ry'ibisobanuro

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Hujrati   Umurongo:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱجۡتَنِبُواْ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلظَّنِّ إِنَّ بَعۡضَ ٱلظَّنِّ إِثۡمٞۖ وَلَا تَجَسَّسُواْ وَلَا يَغۡتَب بَّعۡضُكُم بَعۡضًاۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمۡ أَن يَأۡكُلَ لَحۡمَ أَخِيهِ مَيۡتٗا فَكَرِهۡتُمُوهُۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٞ رَّحِيمٞ
12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dheeraada malaha badanki, malaha qaarki waa denbi. Ha is jaasuusina, qaarkiinna yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad naceysaane (naca xanta). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقۡنَٰكُم مِّن ذَكَرٖ وَأُنثَىٰ وَجَعَلۡنَٰكُمۡ شُعُوبٗا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓاْۚ إِنَّ أَكۡرَمَكُمۡ عِندَ ٱللَّهِ أَتۡقَىٰكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٞ
13. Dadow! Waxaanu idinka abuurnay lab (Aadam) iyo dhedddig (Xawwaa), idinkana dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan. Hubaal, kan idiinku sharaf badan Alle agti waa kan idiinku dhowris badan (amarrada Alle ee ka jooga xumaha). Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah, Xeel Dheer.
Ibisobanuro by'icyarabu:
۞ قَالَتِ ٱلۡأَعۡرَابُ ءَامَنَّاۖ قُل لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ وَلَٰكِن قُولُوٓاْ أَسۡلَمۡنَا وَلَمَّا يَدۡخُلِ ٱلۡإِيمَٰنُ فِي قُلُوبِكُمۡۖ وَإِن تُطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَا يَلِتۡكُم مِّنۡ أَعۡمَٰلِكُمۡ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
14. Reer miyigii (degganaa Madiinah hareeraheeda) waxay yidhaahdeen: Waanu rumeynay (Xaqa). Dheh: Ma aydaan rumeynin (weli) dhahase, waanu islaamnay (hoggaansannay); waayo Iimaanku weli ma gelin quluubtiinna. Haddaadse adeecdaan Alle iyo Rasuulkiisa, waxba idinkama uu dhimayo ka mid ah acmaashiinna. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ لَمۡ يَرۡتَابُواْ وَجَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلصَّٰدِقُونَ
15. Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa, markaas aan shakiyin, una hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Alle. Kuwaasi waa kuwa runlowyda ah.
Ibisobanuro by'icyarabu:
قُلۡ أَتُعَلِّمُونَ ٱللَّهَ بِدِينِكُمۡ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
16. Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Alle (xaalka) diintiinna (iyo camalladiinna) Isagoo Alle og yahay waxaa ku sugan samooyinka iyo waxaa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Og yahay.
Ibisobanuro by'icyarabu:
يَمُنُّونَ عَلَيۡكَ أَنۡ أَسۡلَمُواْۖ قُل لَّا تَمُنُّواْ عَلَيَّ إِسۡلَٰمَكُمۖ بَلِ ٱللَّهُ يَمُنُّ عَلَيۡكُمۡ أَنۡ هَدَىٰكُمۡ لِلۡإِيمَٰنِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
17. Waxay kuugu abaal sheegan inay islaameen darteed. Dheh: Ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Alle baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddaad run sheegeysaan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ غَيۡبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
18. Hubaal Alle baa ogsoon waxa aan muuqan ee ah samooyinka iyo arlada. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
 
Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Hujrati
Urutonde rw'amasura numero y'urupapuro
 
Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. - Ishakiro ry'ibisobanuro

Byasobanuwe na Abdallah Hassan Ya'aqub.

Gufunga