Check out the new design

ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් * - පරිවර්තන පටුන

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

අර්ථ කථනය පරිච්ඡේදය: ආලු ඉම්රාන්   වාක්‍යය:
وَلَئِن مُّتُّمۡ أَوۡ قُتِلۡتُمۡ لَإِلَى ٱللَّهِ تُحۡشَرُونَ
158. Haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Alle Xaggiisaa la idiin soo kulmin.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
فَبِمَا رَحۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ لِنتَ لَهُمۡۖ وَلَوۡ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ ٱلۡقَلۡبِ لَٱنفَضُّواْ مِنۡ حَوۡلِكَۖ فَٱعۡفُ عَنۡهُمۡ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ وَشَاوِرۡهُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِۖ فَإِذَا عَزَمۡتَ فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَوَكِّلِينَ
159. Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
إِن يَنصُرۡكُمُ ٱللَّهُ فَلَا غَالِبَ لَكُمۡۖ وَإِن يَخۡذُلۡكُمۡ فَمَن ذَا ٱلَّذِي يَنصُرُكُم مِّنۢ بَعۡدِهِۦۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
160. Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
وَمَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَغُلَّۚ وَمَن يَغۡلُلۡ يَأۡتِ بِمَا غَلَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
161. Kama suurowda Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama mid qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha36. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.
36. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Yaan garan midkiin oo imaan Qiyaamada isagoo xambaarsan riti ciyi (xoolo ama maal booli ah) markaasuu odhan: Muxammadow, Muxammadow, waxaan ku odhan: Waxba kuuma qaban karo waa ku soo gaarsiiyey inaad iska ilaaliso maal xaq darro iyo xoolo booli ah.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
أَفَمَنِ ٱتَّبَعَ رِضۡوَٰنَ ٱللَّهِ كَمَنۢ بَآءَ بِسَخَطٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأۡوَىٰهُ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
162. Ma mid raaca Raalli gelinta Alle baa la mid ah kan mutaysta Cadhada Alle, hoygiisuna yahay Jahannama, oo u xun meel la ahaado.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
هُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
163. Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Alle agti. Allena wuu arkaa waxay fali.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
لَقَدۡ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذۡ بَعَثَ فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡ أَنفُسِهِمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمۡ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلُ لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
164. Alle wuxuu ku manneystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah (Nabi Muxammad), u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
أَوَلَمَّآ أَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٞ قَدۡ أَصَبۡتُم مِّثۡلَيۡهَا قُلۡتُمۡ أَنَّىٰ هَٰذَاۖ قُلۡ هُوَ مِنۡ عِندِ أَنفُسِكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
165. Ma markay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee buu nooga yimid arrinkani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
 
අර්ථ කථනය පරිච්ඡේදය: ආලු ඉම්රාන්
සූරා පටුන පිටු අංක
 
ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් - පරිවර්තන පටුන

මෙය අබ්දුල්ලාහ් හසන් යඃකූබ් විසින් පරිවර්තනය කරන ලදී.

වසන්න