Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: El Kasas   Ajeti:
وَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَيۡءٖ فَمَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتُهَاۚ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
60. Waxa la idin siiyona oo wuxuun ah waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Alle agtiis ah baa khayr roon oo daa’insan. Ee mawaydaan fahmeyn?
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَفَمَن وَعَدۡنَٰهُ وَعۡدًا حَسَنٗا فَهُوَ لَٰقِيهِ كَمَن مَّتَّعۡنَٰهُ مَتَٰعَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ هُوَ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ
61. Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan (ee dhammaaneysa), markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon kuwa la soo xaadirnayo (la keenayo cadaabka)?
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ
62. (Ka dig) Maalinta uu (Alle) u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada) oo aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda?
Tefsiret në gjuhën arabe:
قَالَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ أَغۡوَيۡنَآ أَغۡوَيۡنَٰهُمۡ كَمَا غَوَيۡنَاۖ تَبَرَّأۡنَآ إِلَيۡكَۖ مَا كَانُوٓاْ إِيَّانَا يَعۡبُدُونَ
63. Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi22 (in la cadaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwaan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidaan u habownay. Waxaan ka nahay barii Adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen23.
22. Loo qaddaray in la cadaabo.
23. Macnaha waxaa weeye ma aanu qasbin iyaga, mana ay na adeeceyn, ee waxay raacayeen oo adeecayeen keliya hawada nafahooda iyo waxa liita ay rabaan oo ay u iishaan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَقِيلَ ٱدۡعُواْ شُرَكَآءَكُمۡ فَدَعَوۡهُمۡ فَلَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُمۡ وَرَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ لَوۡ أَنَّهُمۡ كَانُواْ يَهۡتَدُونَ
64. Waxaana lagu odhan: U yeedha Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen (Alle), markaasay u yeedhan, mase ajiibayaan, waxayna arki cadaabka. Markaasay shallaayaan hadday uun hanuuni lahaayeen.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ مَاذَآ أَجَبۡتُمُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
65. (Xus) Maalinta uu (Alle) u yeedhi oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii?
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَعَمِيَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَنۢبَآءُ يَوۡمَئِذٖ فَهُمۡ لَا يَتَسَآءَلُونَ
66. Markaasay waayi xujooyin24 maalintaas, waxnana isma weydiinayaan.
24. Si ay been u sheegaan ama u cudur daartaan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَأَمَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَعَسَىٰٓ أَن يَكُونَ مِنَ ٱلۡمُفۡلِحِينَ
67. Qofkii ka toobad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَرَبُّكَ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُ وَيَخۡتَارُۗ مَا كَانَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
68. Rabbigaa wuxuu abuuraa wuxuu doono oo doortaa, ma leh iyaguse doorashada. Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَرَبُّكَ يَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ
69. Rabbigaa waa Ogsoon yahay waxay qarin laabahooda iyo waxay muujinba.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَهُوَ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأُولَىٰ وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
70. Waa Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Isagaa leh ammaan oo idil iyo mahad tan hore (aduuunka) iyo tan dambe (Aakhirada), Isagaana leh Xukunka, Xaggiisaana idinkoo idil la idiin soo celin.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: El Kasas
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll