Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: Ali Imran   Ajeti:
لَن تَنَالُواْ ٱلۡبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُواْ مِمَّا تُحِبُّونَۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٞ
92. Marnaba ma haleeleysaan ajarka wanaagsan (ee lagu muto Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; waxaad bixisaanna oo wuxuun ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
Tefsiret në gjuhën arabe:
۞ كُلُّ ٱلطَّعَامِ كَانَ حِلّٗا لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ إِلَّا مَا حَرَّمَ إِسۡرَٰٓءِيلُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ مِن قَبۡلِ أَن تُنَزَّلَ ٱلتَّوۡرَىٰةُۚ قُلۡ فَأۡتُواْ بِٱلتَّوۡرَىٰةِ فَٱتۡلُوهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intaan la soo dejin Towraadda15. Dheh: Keena Tawraadda oo Akhriya, haddaad run sheegaysaan.
15. Kaddib soo degitaanka Towraadda waxaa Yuhuudda laga xaaraanshay cunitaanka qaar ka mid ah noocyada cuntada, ciqaab ahaan denbiyadoodii, magacyada waxaasi laga xaaraanshayna waxay ku qoran yihiin Towraadda, eeg suuradda An-Nisaa Aayadda 160 iyo Suuradda Al-Ancaam Aayadda 146.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَمَنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
94. Qofkii ka been sheega Alle intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah daalimiinta.
Tefsiret në gjuhën arabe:
قُلۡ صَدَقَ ٱللَّهُۗ فَٱتَّبِعُواْ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
95. Dheh: Run buu sheegay Alle; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, kamana mid aheyn mushrikiinta.
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ
96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah16, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha17.
16. Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beytkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Alle u jawaabay.
Abuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad.
17. Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فِيهِ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ مَّقَامُ إِبۡرَٰهِيمَۖ وَمَن دَخَلَهُۥ كَانَ ءَامِنٗاۗ وَلِلَّهِ عَلَى ٱلنَّاسِ حِجُّ ٱلۡبَيۡتِ مَنِ ٱسۡتَطَاعَ إِلَيۡهِ سَبِيلٗاۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa18. Qofkii beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.
18. Qofkii awooda ee haysta sahay iyo gaadiid uu ku tago Xajka, ee isagu caafimaad qaba oo safarku aamin yahay ugana soo tagay masaariif ku filan reerkiisa.
Tefsiret në gjuhën arabe:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا تَعۡمَلُونَ
98. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle, Allena wuu u jeedaa waxaad fashaan?
Tefsiret në gjuhën arabe:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ مَنۡ ءَامَنَ تَبۡغُونَهَا عِوَجٗا وَأَنتُمۡ شُهَدَآءُۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
99. Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Alle kan rumeysan, waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Alle ma mooga waxaad fashaan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ يَرُدُّوكُم بَعۡدَ إِيمَٰنِكُمۡ كَٰفِرِينَ
100. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: Ali Imran
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll