Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: En Nisa   Ajeti:
وَإِنِ ٱمۡرَأَةٌ خَافَتۡ مِنۢ بَعۡلِهَا نُشُوزًا أَوۡ إِعۡرَاضٗا فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَآ أَن يُصۡلِحَا بَيۡنَهُمَا صُلۡحٗاۚ وَٱلصُّلۡحُ خَيۡرٞۗ وَأُحۡضِرَتِ ٱلۡأَنفُسُ ٱلشُّحَّۚ وَإِن تُحۡسِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho50 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
50. Eeg macnaha nushuush ee xagga xaaska sharaxa suuradda An-Nisaa Aayadda 34. Nushuushka ninka waa inuu si qallafsan ula dhaqmo xaaska oo ku adadkaado, iyo inuu diido inuu u tago oo u galmoodo, oo uusan siin masruuf iyo marasho.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَلَن تَسۡتَطِيعُوٓاْ أَن تَعۡدِلُواْ بَيۡنَ ٱلنِّسَآءِ وَلَوۡ حَرَصۡتُمۡۖ فَلَا تَمِيلُواْ كُلَّ ٱلۡمَيۡلِ فَتَذَرُوهَا كَٱلۡمُعَلَّقَةِۚ وَإِن تُصۡلِحُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan 'xumaha', Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَإِن يَتَفَرَّقَا يُغۡنِ ٱللَّهُ كُلّٗا مِّن سَعَتِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ وَٰسِعًا حَكِيمٗا
130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Alle waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xigmad Badan yahay.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَلَقَدۡ وَصَّيۡنَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَإِيَّاكُمۡ أَنِ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَنِيًّا حَمِيدٗا
131. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle, haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Hodan, Ammaanan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا
132. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waa ku filan yahay Alle Wakiil ahaan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ أَيُّهَا ٱلنَّاسُ وَيَأۡتِ بِـَٔاخَرِينَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ ذَٰلِكَ قَدِيرٗا
133. Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Alle wuu Kara inuu sidaa yeelo.
Tefsiret në gjuhën arabe:
مَّن كَانَ يُرِيدُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ ثَوَابُ ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا
134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: En Nisa
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll