Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Ajeti: (92) Surja: En Nisa
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٍ أَن يَقۡتُلَ مُؤۡمِنًا إِلَّا خَطَـٔٗاۚ وَمَن قَتَلَ مُؤۡمِنًا خَطَـٔٗا فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖ وَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَصَّدَّقُواْۚ فَإِن كَانَ مِن قَوۡمٍ عَدُوّٖ لَّكُمۡ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ وَإِن كَانَ مِن قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞ فَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ وَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ تَوۡبَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah38, u toobad keen ahaan Alle. Allena waa Wax walba Oge, Xakiiim ah.
38. Labo bilood aan kala go’ lahayn marka laga reebo wixii cudur daar leh sida marka ay soo gasho bisha Ramadaan, ama labada maalmood ee ciidda (ciidda soon furka iyo ciidda adxada), ama xagga dumarka markuu ku dhaco xayl, iwm.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Ajeti: (92) Surja: En Nisa
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll