Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: Gafir   Ajeti:
وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ذَرُونِيٓ أَقۡتُلۡ مُوسَىٰ وَلۡيَدۡعُ رَبَّهُۥٓۖ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُبَدِّلَ دِينَكُمۡ أَوۡ أَن يُظۡهِرَ فِي ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡفَسَادَ
26. Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, hana u yeedho Rabbigiis, waxaan ka cabsan inuu idinka beddelo diintiinna ama uu ka muujiyo arlada fasahaad5.
5. Tafaraaruq idin geliyo ama dagaal sokeeye.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُم مِّن كُلِّ مُتَكَبِّرٖ لَّا يُؤۡمِنُ بِيَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ
27. Wuxuu Muuse yidhi: Anigu Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kastoo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَقَالَ رَجُلٞ مُّؤۡمِنٞ مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَكۡتُمُ إِيمَٰنَهُۥٓ أَتَقۡتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّيَ ٱللَّهُ وَقَدۡ جَآءَكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ مِن رَّبِّكُمۡۖ وَإِن يَكُ كَٰذِبٗا فَعَلَيۡهِ كَذِبُهُۥۖ وَإِن يَكُ صَادِقٗا يُصِبۡكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي يَعِدُكُمۡۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٞ كَذَّابٞ
28. Nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon6 oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu leeyahay: Rabbigay waa Allaah, wuxuuna idiinka keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Hadduu been sheegayo, isagay dhibi beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Alle ma hanuuniyo mid ah xad gudbe, been badne.
6. Waa Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda.
Tefsiret në gjuhën arabe:
يَٰقَوۡمِ لَكُمُ ٱلۡمُلۡكُ ٱلۡيَوۡمَ ظَٰهِرِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَن يَنصُرُنَا مِنۢ بَأۡسِ ٱللَّهِ إِن جَآءَنَاۚ قَالَ فِرۡعَوۡنُ مَآ أُرِيكُمۡ إِلَّا مَآ أَرَىٰ وَمَآ أَهۡدِيكُمۡ إِلَّا سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ
29. Tolkayow! Idinkaa leh xukunka maanta, una adag arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabka Alle hadduu noo yimaado. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxaan anigu u arko wanaag, idinkumana hanuuniyo waxaan aheyn dhabbaha toosan ee abbaarta ah.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُم مِّثۡلَ يَوۡمِ ٱلۡأَحۡزَابِ
30. Kii rumeeyey (Xaqa) wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan idiinka cabsan sidii Maalintii xizbiyadii7.
7. Waa maalmaha uu Alle u soo diro Ciqaabkiisa kuwaasi diiday nabiyadii loo soo diray .
Tefsiret në gjuhën arabe:
مِثۡلَ دَأۡبِ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلۡمٗا لِّلۡعِبَادِ
31. Wixii ku dhacay oo kale qolodii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey. Alle ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa oo ku gardarrooda.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَيَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ يَوۡمَ ٱلتَّنَادِ
32. Tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsan Maalinta isu Yeeridda8.
8. Waa maalinta Qiyaamaha, markay denbiilayaasha la qeylin argarax, dadku waa isu yeeran goobta Qiyaamaha iyagoo in loo shafeeco raba.
Tefsiret në gjuhën arabe:
يَوۡمَ تُوَلُّونَ مُدۡبِرِينَ مَا لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنۡ عَاصِمٖۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ
33. Maalinta aad jeedin dhabarradiinna idinkoo carari, ma jiro wax idinka badbaadin Alle. Qofkuu Alle lumiyo ma uu laha wax hanuunin.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: Gafir
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll