Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: El Hadid   Ajeti:
يَوۡمَ تَرَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ يَسۡعَىٰ نُورُهُم بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَبِأَيۡمَٰنِهِمۖ بُشۡرَىٰكُمُ ٱلۡيَوۡمَ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
12. Maalinta aad arki mu’miniinta iyo mu’minooyinka - nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Jannooyin (Beero) ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda (weligood). (Arrin)kaasi waa Liibaanta Weyn.
Tefsiret në gjuhën arabe:
يَوۡمَ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتُ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱنظُرُونَا نَقۡتَبِسۡ مِن نُّورِكُمۡ قِيلَ ٱرۡجِعُواْ وَرَآءَكُمۡ فَٱلۡتَمِسُواْ نُورٗاۖ فَضُرِبَ بَيۡنَهُم بِسُورٖ لَّهُۥ بَابُۢ بَاطِنُهُۥ فِيهِ ٱلرَّحۡمَةُ وَظَٰهِرُهُۥ مِن قِبَلِهِ ٱلۡعَذَابُ
13. Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna5. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli dhexdoo- da, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, xaggiisa debedda ahna cadaab.
5. U noqda halka laga helayey nuurka waa noloshii adduunka.
Tefsiret në gjuhën arabe:
يُنَادُونَهُمۡ أَلَمۡ نَكُن مَّعَكُمۡۖ قَالُواْ بَلَىٰ وَلَٰكِنَّكُمۡ فَتَنتُمۡ أَنفُسَكُمۡ وَتَرَبَّصۡتُمۡ وَٱرۡتَبۡتُمۡ وَغَرَّتۡكُمُ ٱلۡأَمَانِيُّ حَتَّىٰ جَآءَ أَمۡرُ ٱللَّهِ وَغَرَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ
14. Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna6, oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.
6. Ku beleyseen munaafqinimo ama ku dhicitaan fidnooyinka.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَٱلۡيَوۡمَ لَا يُؤۡخَذُ مِنكُمۡ فِدۡيَةٞ وَلَا مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ مَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُۖ هِيَ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
15. Maanta la idinkama aqbalo is furasho idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, waa iyada mudankiinna, waana halka u xun meel la ahaado.
Tefsiret në gjuhën arabe:
۞ أَلَمۡ يَأۡنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن تَخۡشَعَ قُلُوبُهُمۡ لِذِكۡرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلۡحَقِّ وَلَا يَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلُ فَطَالَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَمَدُ فَقَسَتۡ قُلُوبُهُمۡۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
16. Miyaanan la joogin waqtigii quluubta kuwa (Xaqa) rumeeyey ay u khushuucaan Xuska Alle iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah (Qur'aanka)? oo ayan la mid noqonin kuwii la siiyey Kitaabka awal hore (Yuhuudda iyo Nasaarada) oo muddadu ku dheeraatay sidaa darteed quluubtoodu noqdeen kuwo adag 'sida dhagax'? In badan oo ka mid ahna waa caasiyaal.
Tefsiret në gjuhën arabe:
ٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ قَدۡ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
17. Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib7. Waan idiin caddeynay Aayadaha si aad u fahantaan.
7. In sidoo kale Allaah Subxaanahu watacaalaa uu nooleyn karo qalbiga kaddib markuu noqday mid adag oo hanuunin karo qof horey u lunsanaa.
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِنَّ ٱلۡمُصَّدِّقِينَ وَٱلۡمُصَّدِّقَٰتِ وَأَقۡرَضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا يُضَٰعَفُ لَهُمۡ وَلَهُمۡ أَجۡرٞ كَرِيمٞ
18. Ragga iyo haweenka wax sadaqaysta ee amaahiya Alle amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi (ajarka) waxayna leeyihiin Abaal gud Wanaagsan (Janno).
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: El Hadid
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll