Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: ஹூத்   வசனம்:
يَقۡدُمُ قَوۡمَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَأَوۡرَدَهُمُ ٱلنَّارَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡوِرۡدُ ٱلۡمَوۡرُودُ
98. Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِۦ لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ بِئۡسَ ٱلرِّفۡدُ ٱلۡمَرۡفُودُ
99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha27, xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).
27. Waa lacnad ku raaceysa adduun iyo aakhiro labada daaroodba.
அரபு விரிவுரைகள்:
ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّهُۥ عَلَيۡكَۖ مِنۡهَا قَآئِمٞ وَحَصِيدٞ
100. Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno (Nabiyow); waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡۖ فَمَآ أَغۡنَتۡ عَنۡهُمۡ ءَالِهَتُهُمُ ٱلَّتِي يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖ لَّمَّا جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَمَا زَادُوهُمۡ غَيۡرَ تَتۡبِيبٖ
101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَكَذَٰلِكَ أَخۡذُ رَبِّكَ إِذَآ أَخَذَ ٱلۡقُرَىٰ وَهِيَ ظَٰلِمَةٌۚ إِنَّ أَخۡذَهُۥٓ أَلِيمٞ شَدِيدٌ
102. Waa sidaasna qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّمَنۡ خَافَ عَذَابَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّجۡمُوعٞ لَّهُ ٱلنَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّشۡهُودٞ
103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَمَا نُؤَخِّرُهُۥٓ إِلَّا لِأَجَلٖ مَّعۡدُودٖ
104. Uma dib dhignona waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey.
அரபு விரிவுரைகள்:
يَوۡمَ يَأۡتِ لَا تَكَلَّمُ نَفۡسٌ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ فَمِنۡهُمۡ شَقِيّٞ وَسَعِيدٞ
105. Maalintay iman, nafna ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ شَقُواْ فَفِي ٱلنَّارِ لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَشَهِيقٌ
106. Ma kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag28.
28. Hiinbaxa iyo hiinraaggooda oo u eg cida dameerka.
அரபு விரிவுரைகள்:
خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۚ إِنَّ رَبَّكَ فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
107. Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee29. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono.
29. Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslimiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay denbi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan.
அரபு விரிவுரைகள்:
۞ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ سُعِدُواْ فَفِي ٱلۡجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۖ عَطَآءً غَيۡرَ مَجۡذُوذٖ
108. Kuwase liibaanay ee farxaddu u ahaatay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: ஹூத்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக