Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሁድ   አንቀጽ:
يَقۡدُمُ قَوۡمَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَأَوۡرَدَهُمُ ٱلنَّارَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡوِرۡدُ ٱلۡمَوۡرُودُ
98. Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِۦ لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ بِئۡسَ ٱلرِّفۡدُ ٱلۡمَرۡفُودُ
99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha [27], xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).
27. Waa lacnad ku raaceysa adduun iyo aakhiro labada daaroodba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّهُۥ عَلَيۡكَۖ مِنۡهَا قَآئِمٞ وَحَصِيدٞ
100. Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno (Nabiyow); waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡۖ فَمَآ أَغۡنَتۡ عَنۡهُمۡ ءَالِهَتُهُمُ ٱلَّتِي يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖ لَّمَّا جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَمَا زَادُوهُمۡ غَيۡرَ تَتۡبِيبٖ
101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ أَخۡذُ رَبِّكَ إِذَآ أَخَذَ ٱلۡقُرَىٰ وَهِيَ ظَٰلِمَةٌۚ إِنَّ أَخۡذَهُۥٓ أَلِيمٞ شَدِيدٌ
102. Waa sidaasna qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّمَنۡ خَافَ عَذَابَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّجۡمُوعٞ لَّهُ ٱلنَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّشۡهُودٞ
103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا نُؤَخِّرُهُۥٓ إِلَّا لِأَجَلٖ مَّعۡدُودٖ
104. Uma dib dhignona waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يَأۡتِ لَا تَكَلَّمُ نَفۡسٌ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ فَمِنۡهُمۡ شَقِيّٞ وَسَعِيدٞ
105. Maalintay iman, nafna ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ شَقُواْ فَفِي ٱلنَّارِ لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَشَهِيقٌ
106. Ma kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag [28].
28. Hiinbaxa iyo hiinraaggooda oo u eg cida dameerka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۚ إِنَّ رَبَّكَ فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
107. Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee [29]. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono.
29. Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslimiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay denbi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ سُعِدُواْ فَفِي ٱلۡجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۖ عَطَآءً غَيۡرَ مَجۡذُوذٖ
108. Kuwase liibaanay ee farxaddu u ahaatay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሁድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት