Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሁድ   አንቀጽ:
أُوْلَٰٓئِكَ لَمۡ يَكُونُواْ مُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنۡ أَوۡلِيَآءَۘ يُضَٰعَفُ لَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ مَا كَانُواْ يَسۡتَطِيعُونَ ٱلسَّمۡعَ وَمَا كَانُواْ يُبۡصِرُونَ
20. Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labalaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
21. Kuwaa weeye kuwa khasaari nafahaoo- da, waxayna waayi waxay been abuurteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡأَخۡسَرُونَ
22. Shaki ma leh, Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَأَخۡبَتُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
23. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ مَثَلُ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ كَٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡأَصَمِّ وَٱلۡبَصِيرِ وَٱلسَّمِيعِۚ هَلۡ يَسۡتَوِيَانِ مَثَلًاۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
24. Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan waantoobeyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦٓ إِنِّي لَكُمۡ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
25. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): Waxaan idiin ahay dige cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَن لَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ أَلِيمٖ
26. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan (Maalinta Aakhiro).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ مَا نَرَىٰكَ إِلَّا بَشَرٗا مِّثۡلَنَا وَمَا نَرَىٰكَ ٱتَّبَعَكَ إِلَّا ٱلَّذِينَ هُمۡ أَرَاذِلُنَا بَادِيَ ٱلرَّأۡيِ وَمَا نَرَىٰ لَكُمۡ عَلَيۡنَا مِن فَضۡلِۭ بَلۡ نَظُنُّكُمۡ كَٰذِبِينَ
27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa gaaloobay ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay diinta) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, waxaanse idiin malaynaynaa beenalayaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَءَاتَىٰنِي رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِهِۦ فَعُمِّيَتۡ عَلَيۡكُمۡ أَنُلۡزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمۡ لَهَا كَٰرِهُونَ
28. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, iyo cilmi) xagga Rabbigay, i siiyeyna Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan hanuunka) idinkoo naceyb u haya?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሁድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት