Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሁድ   አንቀጽ:
فَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا جَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهَا حِجَارَةٗ مِّن سِجِّيلٖ مَّنضُودٖ
82. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marin- nay, Waxaana roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَۖ وَمَا هِيَ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ بِبَعِيدٖ
83. Laga soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, mana aha wax ka fog daalimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ وَلَا تَنقُصُواْ ٱلۡمِكۡيَالَ وَٱلۡمِيزَانَۖ إِنِّيٓ أَرَىٰكُم بِخَيۡرٖ وَإِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٖ مُّحِيطٖ
84. Madyanna (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, hana dhimina beegga iyo miisaanka, waxaan idinku arkaa khayre (maal); oo hubaal waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wax koobeysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَٰقَوۡمِ أَوۡفُواْ ٱلۡمِكۡيَالَ وَٱلۡمِيزَانَ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
85. Tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, hana ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, ha ku bi'inninana dhulka fasaadkaad faleysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَقِيَّتُ ٱللَّهِ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَۚ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِحَفِيظٖ
86. Waxa ku baaqiga ah Alle agtiisa ayaa idiin roon haddaad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ يَٰشُعَيۡبُ أَصَلَوٰتُكَ تَأۡمُرُكَ أَن نَّتۡرُكَ مَا يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَآ أَوۡ أَن نَّفۡعَلَ فِيٓ أَمۡوَٰلِنَا مَا نَشَٰٓؤُاْۖ إِنَّكَ لَأَنتَ ٱلۡحَلِيمُ ٱلرَّشِيدُ
87. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudaan aabbayaashayo, ama inaanu ku falno maalkayaga waxaan doonno? Adigu uun waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah25.
25. Qowlkoodaasi waa ku digasho iyo ku jeesjees Nabi Shucayb c.s Waana sifad loola jeeda si taasi ka duwan oo caksigeeda ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَرَزَقَنِي مِنۡهُ رِزۡقًا حَسَنٗاۚ وَمَآ أُرِيدُ أَنۡ أُخَالِفَكُمۡ إِلَىٰ مَآ أَنۡهَىٰكُمۡ عَنۡهُۚ إِنۡ أُرِيدُ إِلَّا ٱلۡإِصۡلَٰحَ مَا ٱسۡتَطَعۡتُۚ وَمَا تَوۡفِيقِيٓ إِلَّا بِٱللَّهِۚ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُ وَإِلَيۡهِ أُنِيبُ
88.Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun iyo cilmi) xagga Rabbigay, ina siiyey (Nabinnimo) iyo risiq (xalaal ah) wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo aanan doonayna inaan idiin daba maro falidda waxaan idinka reebo. Ma doonayo waxaan wax wanaajin ahayn intaan karo. Mana jiro waxaan Alle ahaynoo i waafajin kara talada toosan. Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, Xaggiisaana ula noqon (tawbad).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሁድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት