Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഹൂദ്   ആയത്ത്:
أُوْلَٰٓئِكَ لَمۡ يَكُونُواْ مُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنۡ أَوۡلِيَآءَۘ يُضَٰعَفُ لَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ مَا كَانُواْ يَسۡتَطِيعُونَ ٱلسَّمۡعَ وَمَا كَانُواْ يُبۡصِرُونَ
20. Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labalaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
21. Kuwaa weeye kuwa khasaari nafahaoo- da, waxayna waayi waxay been abuurteen.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡأَخۡسَرُونَ
22. Shaki ma leh, Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَأَخۡبَتُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
23. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
۞ مَثَلُ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ كَٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡأَصَمِّ وَٱلۡبَصِيرِ وَٱلسَّمِيعِۚ هَلۡ يَسۡتَوِيَانِ مَثَلًاۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
24. Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan waantoobeyn?
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦٓ إِنِّي لَكُمۡ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
25. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): Waxaan idiin ahay dige cad.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
أَن لَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ أَلِيمٖ
26. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan (Maalinta Aakhiro).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
فَقَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ مَا نَرَىٰكَ إِلَّا بَشَرٗا مِّثۡلَنَا وَمَا نَرَىٰكَ ٱتَّبَعَكَ إِلَّا ٱلَّذِينَ هُمۡ أَرَاذِلُنَا بَادِيَ ٱلرَّأۡيِ وَمَا نَرَىٰ لَكُمۡ عَلَيۡنَا مِن فَضۡلِۭ بَلۡ نَظُنُّكُمۡ كَٰذِبِينَ
27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa gaaloobay ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay diinta) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, waxaanse idiin malaynaynaa beenalayaal.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَءَاتَىٰنِي رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِهِۦ فَعُمِّيَتۡ عَلَيۡكُمۡ أَنُلۡزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمۡ لَهَا كَٰرِهُونَ
28. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, iyo cilmi) xagga Rabbigay, i siiyeyna Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan hanuunka) idinkoo naceyb u haya?.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഹൂദ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക