[4]. Waxay ku bi’iyeen shaarkii Yuusuf dhiiggii ri’dii ay qasheen, waxayse hilmaameen inay jeexjeexaan shaarka, sidaasoo ay ku shaki geliyeen aabbahood.
[5]. Nin reer Masar ah oo wasiirka koowaad ah ayaa iibsaday Yuusuf addoon ahaan, magaca wasiirkaa sida caanka waa Qadfiir (ama Potiphar) oo loogu yeero darajo ahaan Al-Caziiz. Kutubta tafsiirka qaarkood waxay ku sheegaan magaca xaaskiisa “Raayil” qaar kalena Zuleekha, ama zuleyka waase werinno aan sugneyn.