Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ইউছুফ   আয়াত:
فَلَمَّا ذَهَبُواْ بِهِۦ وَأَجۡمَعُوٓاْ أَن يَجۡعَلُوهُ فِي غَيَٰبَتِ ٱلۡجُبِّۚ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِ لَتُنَبِّئَنَّهُم بِأَمۡرِهِمۡ هَٰذَا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
15. Markay la tageen oo ay ku heeshiiyeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Waxaan (Yuusuf) u waxyoonnay: 'Waxaad (maalin uun) u sheegi doontaa arrinkani iyagoo aan ku baraarugsaneyn".
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَجَآءُوٓ أَبَاهُمۡ عِشَآءٗ يَبۡكُونَ
16. Waxayna u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
قَالُواْ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّا ذَهَبۡنَا نَسۡتَبِقُ وَتَرَكۡنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَٰعِنَا فَأَكَلَهُ ٱلذِّئۡبُۖ وَمَآ أَنتَ بِمُؤۡمِنٖ لَّنَا وَلَوۡ كُنَّا صَٰدِقِينَ
17. Waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waanu tagnay inaan tartanno, waxaana ku dhaafnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaasay yey cuntay adiguse nama ru- maysanaysid walow aan run sheegayno".
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَجَآءُو عَلَىٰ قَمِيصِهِۦ بِدَمٖ كَذِبٖۚ قَالَ بَلۡ سَوَّلَتۡ لَكُمۡ أَنفُسُكُمۡ أَمۡرٗاۖ فَصَبۡرٞ جَمِيلٞۖ وَٱللَّهُ ٱلۡمُسۡتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
18. Waxayna keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah4. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Mayee, nafahiinnaa idiin qirxisay arrin. Samirkaase wanaagsan. Allena waa Kan laga kaalmeysto waxaad tilmaameysaan".
4. Waxay ku bi’iyeen shaarkii Yuusuf dhiiggii ri’dii ay qasheen, waxayse hilmaameen inay jeexjeexaan shaarka, sidaasoo ay ku shaki geliyeen aabbahood.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَجَآءَتۡ سَيَّارَةٞ فَأَرۡسَلُواْ وَارِدَهُمۡ فَأَدۡلَىٰ دَلۡوَهُۥۖ قَالَ يَٰبُشۡرَىٰ هَٰذَا غُلَٰمٞۚ وَأَسَرُّوهُ بِضَٰعَةٗۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
19. Waxaa yimid socoto, waxayna direen biyo dhaamiyahoodii, oo hoos (ceelka) ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: "Waa bishaaree! kani waa wiil yar"; wayna qarsadeen badeeco ahaan. Alle wuu Ogaa waxay fali.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَشَرَوۡهُ بِثَمَنِۭ بَخۡسٖ دَرَٰهِمَ مَعۡدُودَةٖ وَكَانُواْ فِيهِ مِنَ ٱلزَّٰهِدِينَ
20. Waxayna siisteen qiimo yar - dhowr qadaadiic oo fiddo ah, waxayna ahaayeen kuwo aan u heyn wax rabitaan ah.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَقَالَ ٱلَّذِي ٱشۡتَرَىٰهُ مِن مِّصۡرَ لِٱمۡرَأَتِهِۦٓ أَكۡرِمِي مَثۡوَىٰهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوۡ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدٗاۚ وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلِنُعَلِّمَهُۥ مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِۚ وَٱللَّهُ غَالِبٌ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِۦ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
21. Kii gatay oo reer Masar ahaa5 wuxuu ku yidhi marwadiisii: Wanaaji oo ka yeel meel sharaf leh hoygiisa, waa intaasuu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Sidaasaan ugu awood siinnay Yuusuf arlada (Masar), iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka). Allaana adag xagga arrinkiisa, dadku badankiisuse ma oga.
5. Nin reer Masar ah oo wasiirka koowaad ah ayaa iibsaday Yuusuf addoon ahaan, magaca wasiirkaa sida caanka waa Qadfiir (ama Potiphar) oo loogu yeero darajo ahaan Al-Caziiz. Kutubta tafsiirka qaarkood waxay ku sheegaan magaca xaaskiisa “Raayil” qaar kalena Zuleekha, ama zuleyka waase werinno aan sugneyn.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥٓ ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
22. Markuu tabar galay (Yuusuf), waxaan siinnay fahmo iyo cilmi, sidaasaana ku abaal marinnaa sama falayaasha.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ইউছুফ
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ