Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்புர்கான்   வசனம்:
وَٱلَّذِينَ لَا يَدۡعُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ وَلَا يَقۡتُلُونَ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَا يَزۡنُونَۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ يَلۡقَ أَثَامٗا
68. Ee ah kuwa aan baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle, oo aan ku dilin nafta uu Alle xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zineyzan (dhilleysan), qofkii falana waxaa, wuxuu la kulmi eedsiin denbiguu galay ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
يُضَٰعَفۡ لَهُ ٱلۡعَذَابُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَيَخۡلُدۡ فِيهِۦ مُهَانًا
69. Waxaa loo laba laabi Cadaabka Maalin- ta Qiyaamaha, wuuna ku dhex waari isagoo dulleysan.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلٗا صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمۡ حَسَنَٰتٖۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
70. Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumaatadoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaafe, Naxariis Badan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَإِنَّهُۥ يَتُوبُ إِلَى ٱللَّهِ مَتَابٗا
71. Qofkii tawbad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo tawbad
keeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَٱلَّذِينَ لَا يَشۡهَدُونَ ٱلزُّورَ وَإِذَا مَرُّواْ بِٱللَّغۡوِ مَرُّواْ كِرَامٗا
72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).
அரபு விரிவுரைகள்:
وَٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَمۡ يَخِرُّواْ عَلَيۡهَا صُمّٗا وَعُمۡيَانٗا
73. Waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبۡ لَنَا مِنۡ أَزۡوَٰجِنَا وَذُرِّيَّٰتِنَا قُرَّةَ أَعۡيُنٖ وَٱجۡعَلۡنَا لِلۡمُتَّقِينَ إِمَامًا
74. Waa kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga sii xaasaskayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan28, noogana yeel kuwa Alle ka cabsada Iimaam (ay ku daydaan).
28. Macnaha waa aan ku faraxno oo il qabowsanno sababta toosnidooda darteed iyo Alle ka cabsigooda.
அரபு விரிவுரைகள்:
أُوْلَٰٓئِكَ يُجۡزَوۡنَ ٱلۡغُرۡفَةَ بِمَا صَبَرُواْ وَيُلَقَّوۡنَ فِيهَا تَحِيَّةٗ وَسَلَٰمًا
75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.
29. Waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada.
அரபு விரிவுரைகள்:
خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ حَسُنَتۡ مُسۡتَقَرّٗا وَمُقَامٗا
76. Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ahaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
قُلۡ مَا يَعۡبَؤُاْ بِكُمۡ رَبِّي لَوۡلَا دُعَآؤُكُمۡۖ فَقَدۡ كَذَّبۡتُمۡ فَسَوۡفَ يَكُونُ لِزَامَۢا
77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen30. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma (cadaabka)31.
30. Codsigiinna in la idiin soo diro Rasuul.
31. Waa idinku lammaanaan si joogto ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்புர்கான்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக