Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்புர்கான்   வசனம்:
وَلَا يَأۡتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَأَحۡسَنَ تَفۡسِيرًا
33. Ma jirto dood ay (gaalada) kuula iman, balse waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (oo burin waxay ku doodayaan).
அரபு விரிவுரைகள்:
ٱلَّذِينَ يُحۡشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُوْلَٰٓئِكَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضَلُّ سَبِيلٗا
34. Kuwaa (gaalada ah ee) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meeqaan xun, kana sii habowsan Jidka (Xaqa ah).
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلۡنَا مَعَهُۥٓ أَخَاهُ هَٰرُونَ وَزِيرٗا
35. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) waxaana ka yeellay la jirkiis walaalkiis Haaruun wasiir ahaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَقُلۡنَا ٱذۡهَبَآ إِلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا فَدَمَّرۡنَٰهُمۡ تَدۡمِيرٗا
36. Waxaana nidhi: Aada qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَقَوۡمَ نُوحٖ لَّمَّا كَذَّبُواْ ٱلرُّسُلَ أَغۡرَقۡنَٰهُمۡ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ لِلنَّاسِ ءَايَةٗۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِلظَّٰلِمِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا
37. Qolodii Nuuxna, markay beeniyeen Rusushii baan harqinnay ugana yeellay dadka calaamo. Waxaana u diyaarinnay daalimiinta cadaab daran.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَأَصۡحَٰبَ ٱلرَّسِّ وَقُرُونَۢا بَيۡنَ ذَٰلِكَ كَثِيرٗا
38. Sidaan Caad (u halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.
17. Ar-Rass wuxuu ahaa ceel la yaqaan oo caan ah oo biyuhu ka gureen. Waxaa la yidhi dadkii ceelkan waxay ahaayeen dadkii beeniyey Nabi Shucayb.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَكُلّٗا ضَرَبۡنَا لَهُ ٱلۡأَمۡثَٰلَۖ وَكُلّٗا تَبَّرۡنَا تَتۡبِيرٗا
39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waanu halaagnay halaagid.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَقَدۡ أَتَوۡاْ عَلَى ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِيٓ أُمۡطِرَتۡ مَطَرَ ٱلسَّوۡءِۚ أَفَلَمۡ يَكُونُواْ يَرَوۡنَهَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَرۡجُونَ نُشُورٗا
40. Waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)18.
18. Marka kama ayan faa’ideysan oo kuma ay cibrad qaadan casharradii dadkii hore ee tagey iyo wixii ku dhacay.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَإِذَا رَأَوۡكَ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي بَعَثَ ٱللَّهُ رَسُولًا
41. Markay ku arkaan (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul ahaan?
அரபு விரிவுரைகள்:
إِن كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنۡ ءَالِهَتِنَا لَوۡلَآ أَن صَبَرۡنَا عَلَيۡهَاۚ وَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ حِينَ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ مَنۡ أَضَلُّ سَبِيلًا
42. Wuxuu u dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddaanan ku samrin oo sugnaanin. Wayse ogaan markay arkaan cadaabka kan ka lunsan Jidka (Toosan).
அரபு விரிவுரைகள்:
أَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ أَفَأَنتَ تَكُونُ عَلَيۡهِ وَكِيلًا
43. Ka warran kan isagu ka yeesha hawadiisa ilaahiisa? Ma waxaad adigu u noqon wakiil?
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்புர்கான்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக