Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ፉርቃን   አንቀጽ:
وَلَا يَأۡتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَأَحۡسَنَ تَفۡسِيرًا
33. Ma jirto dood ay (gaalada) kuula iman, balse waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (oo burin waxay ku doodayaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يُحۡشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُوْلَٰٓئِكَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضَلُّ سَبِيلٗا
34. Kuwaa (gaalada ah ee) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meeqaan xun, kana sii habowsan Jidka (Xaqa ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلۡنَا مَعَهُۥٓ أَخَاهُ هَٰرُونَ وَزِيرٗا
35. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) waxaana ka yeellay la jirkiis walaalkiis Haaruun wasiir ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقُلۡنَا ٱذۡهَبَآ إِلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا فَدَمَّرۡنَٰهُمۡ تَدۡمِيرٗا
36. Waxaana nidhi: Aada qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَوۡمَ نُوحٖ لَّمَّا كَذَّبُواْ ٱلرُّسُلَ أَغۡرَقۡنَٰهُمۡ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ لِلنَّاسِ ءَايَةٗۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِلظَّٰلِمِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا
37. Qolodii Nuuxna, markay beeniyeen Rusushii baan harqinnay ugana yeellay dadka calaamo. Waxaana u diyaarinnay daalimiinta cadaab daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَأَصۡحَٰبَ ٱلرَّسِّ وَقُرُونَۢا بَيۡنَ ذَٰلِكَ كَثِيرٗا
38. Sidaan Caad (u halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.
17. Ar-Rass wuxuu ahaa ceel la yaqaan oo caan ah oo biyuhu ka gureen. Waxaa la yidhi dadkii ceelkan waxay ahaayeen dadkii beeniyey Nabi Shucayb.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكُلّٗا ضَرَبۡنَا لَهُ ٱلۡأَمۡثَٰلَۖ وَكُلّٗا تَبَّرۡنَا تَتۡبِيرٗا
39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waanu halaagnay halaagid.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَتَوۡاْ عَلَى ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِيٓ أُمۡطِرَتۡ مَطَرَ ٱلسَّوۡءِۚ أَفَلَمۡ يَكُونُواْ يَرَوۡنَهَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَرۡجُونَ نُشُورٗا
40. Waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)18.
18. Marka kama ayan faa’ideysan oo kuma ay cibrad qaadan casharradii dadkii hore ee tagey iyo wixii ku dhacay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا رَأَوۡكَ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي بَعَثَ ٱللَّهُ رَسُولًا
41. Markay ku arkaan (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul ahaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنۡ ءَالِهَتِنَا لَوۡلَآ أَن صَبَرۡنَا عَلَيۡهَاۚ وَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ حِينَ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ مَنۡ أَضَلُّ سَبِيلًا
42. Wuxuu u dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddaanan ku samrin oo sugnaanin. Wayse ogaan markay arkaan cadaabka kan ka lunsan Jidka (Toosan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ أَفَأَنتَ تَكُونُ عَلَيۡهِ وَكِيلًا
43. Ka warran kan isagu ka yeesha hawadiisa ilaahiisa? Ma waxaad adigu u noqon wakiil?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ፉርቃን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት