Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ፉርቃን   አንቀጽ:
۞ وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ نَرَىٰ رَبَّنَاۗ لَقَدِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ وَعَتَوۡ عُتُوّٗا كَبِيرٗا
21. Kuwa aan rajeynaynna la Kulankayaga waxay yidhaahdeen: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey ama (maan) aragno Rabbigayo (Alle)?” Xaqiiq way isla weynaadeen (kibreen) oo ka madax adeygeen (Xaqa) madax adayg weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يَرَوۡنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ لَا بُشۡرَىٰ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُجۡرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجۡرٗا مَّحۡجُورٗا
22. Maalintay arki malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban8.
7. Waqtiga dhimashadooda.
8. Ma jiro war san iyo wanaag oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَدِمۡنَآ إِلَىٰ مَا عَمِلُواْ مِنۡ عَمَلٖ فَجَعَلۡنَٰهُ هَبَآءٗ مَّنثُورًا
23. Waxaanu hor keeni9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.
9. Maalinta Qiyaamaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ يَوۡمَئِذٍ خَيۡرٞ مُّسۡتَقَرّٗا وَأَحۡسَنُ مَقِيلٗا
24. Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلسَّمَآءُ بِٱلۡغَمَٰمِ وَنُزِّلَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ تَنزِيلًا
25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro (cad ka soo baxayaan)10, lana soo dejin malaa’gta soo dejin.
10. Daruurahaasoo ay malaa’ig ku jiraan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّ لِلرَّحۡمَٰنِۚ وَكَانَ يَوۡمًا عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ عَسِيرٗا
26. Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Alle) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيۡهِ يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي ٱتَّخَذۡتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلٗا
27.Oo (ka digtoonaada) Maalinta uu garmaqaataha qaniini doono gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jidka 'toosan' Rasuulka11.
11. Nabiga la soo diray, jidkaas oo ah Islaamka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰوَيۡلَتَىٰ لَيۡتَنِي لَمۡ أَتَّخِذۡ فُلَانًا خَلِيلٗا
28. Alla Hoogay oo ba'aye! Maxaan hebel saaxiib uga yeeshay12.
12. Wuxuu sheegayaa qofkii habaabiyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّقَدۡ أَضَلَّنِي عَنِ ٱلذِّكۡرِ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَنِيۗ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِلۡإِنسَٰنِ خَذُولٗا
29. Wuxuu iga habaabiyey waanada13, intuu ii yimid kaddib. Shaydaanna wuxuu abad uga tagaa qofka meel xun14 oo hungo ah.
13. Wuxuu ula jeedaa Qur’aanka iyo Sunnaha.
14. Wuu isaga tagaa oo cidla’ uga dhaqaaqaa markuu lumiyo kaddib oo u horseedo xumaanta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلرَّسُولُ يَٰرَبِّ إِنَّ قَوۡمِي ٱتَّخَذُواْ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ مَهۡجُورٗا
30. Wuxuu Rasuulkuna odhan: “Rabbiyow! Dadkeygii waxay ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagey15.
15. Iyagoo iska dhinac mara, iyagoo aan dhageysan ama aan fahmin, aan sidoo kale ku dhaqmin, ama wax kale ka hormariya oo ka soo dhoweysta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوّٗا مِّنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيٗا وَنَصِيرٗا
31. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah denbiilayaasha. Ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلۡقُرۡءَانُ جُمۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَۖ وَرَتَّلۡنَٰهُ تَرۡتِيلٗا
32. Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada16, waxaana u soo Waxyoonnay qayb qayb (23sano gudahood).
16. Macnaha waxaa Qur’aanka looga dhigay Aayad Aayad iyo Suurad Suurad oo loogu soo dejiyey qaybqaybta si aan ugu sugno laabtaada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ፉርቃን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት