Check out the new design

పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ * - అనువాదాల విషయసూచిక

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: అల్-ఫుర్ఖాన్   వచనం:
۞ وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ نَرَىٰ رَبَّنَاۗ لَقَدِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ وَعَتَوۡ عُتُوّٗا كَبِيرٗا
21. Kuwa aan rajeynaynna la Kulankayaga waxay yidhaahdeen: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey ama (maan) aragno Rabbigayo (Alle)?” Xaqiiq way isla weynaadeen (kibreen) oo ka madax adeygeen (Xaqa) madax adayg weyn.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
يَوۡمَ يَرَوۡنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ لَا بُشۡرَىٰ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُجۡرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجۡرٗا مَّحۡجُورٗا
22. Maalintay arki malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban8.
7. Waqtiga dhimashadooda.
8. Ma jiro war san iyo wanaag oo dhan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَدِمۡنَآ إِلَىٰ مَا عَمِلُواْ مِنۡ عَمَلٖ فَجَعَلۡنَٰهُ هَبَآءٗ مَّنثُورًا
23. Waxaanu hor keeni9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.
9. Maalinta Qiyaamaha.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ يَوۡمَئِذٍ خَيۡرٞ مُّسۡتَقَرّٗا وَأَحۡسَنُ مَقِيلٗا
24. Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَيَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلسَّمَآءُ بِٱلۡغَمَٰمِ وَنُزِّلَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ تَنزِيلًا
25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro (cad ka soo baxayaan)10, lana soo dejin malaa’gta soo dejin.
10. Daruurahaasoo ay malaa’ig ku jiraan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّ لِلرَّحۡمَٰنِۚ وَكَانَ يَوۡمًا عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ عَسِيرٗا
26. Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Alle) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَيَوۡمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيۡهِ يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي ٱتَّخَذۡتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلٗا
27.Oo (ka digtoonaada) Maalinta uu garmaqaataha qaniini doono gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jidka 'toosan' Rasuulka11.
11. Nabiga la soo diray, jidkaas oo ah Islaamka.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
يَٰوَيۡلَتَىٰ لَيۡتَنِي لَمۡ أَتَّخِذۡ فُلَانًا خَلِيلٗا
28. Alla Hoogay oo ba'aye! Maxaan hebel saaxiib uga yeeshay12.
12. Wuxuu sheegayaa qofkii habaabiyey.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
لَّقَدۡ أَضَلَّنِي عَنِ ٱلذِّكۡرِ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَنِيۗ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِلۡإِنسَٰنِ خَذُولٗا
29. Wuxuu iga habaabiyey waanada13, intuu ii yimid kaddib. Shaydaanna wuxuu abad uga tagaa qofka meel xun14 oo hungo ah.
13. Wuxuu ula jeedaa Qur’aanka iyo Sunnaha.
14. Wuu isaga tagaa oo cidla’ uga dhaqaaqaa markuu lumiyo kaddib oo u horseedo xumaanta.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَالَ ٱلرَّسُولُ يَٰرَبِّ إِنَّ قَوۡمِي ٱتَّخَذُواْ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ مَهۡجُورٗا
30. Wuxuu Rasuulkuna odhan: “Rabbiyow! Dadkeygii waxay ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagey15.
15. Iyagoo iska dhinac mara, iyagoo aan dhageysan ama aan fahmin, aan sidoo kale ku dhaqmin, ama wax kale ka hormariya oo ka soo dhoweysta.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوّٗا مِّنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيٗا وَنَصِيرٗا
31. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah denbiilayaasha. Ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلۡقُرۡءَانُ جُمۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَۖ وَرَتَّلۡنَٰهُ تَرۡتِيلٗا
32. Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada16, waxaana u soo Waxyoonnay qayb qayb (23sano gudahood).
16. Macnaha waxaa Qur’aanka looga dhigay Aayad Aayad iyo Suurad Suurad oo loogu soo dejiyey qaybqaybta si aan ugu sugno laabtaada.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
 
భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: అల్-ఫుర్ఖాన్
సూరాల విషయసూచిక పేజీ నెంబరు
 
పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ - అనువాదాల విషయసూచిక

దానిని అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖూబ్ అనువదించారు.

మూసివేయటం