Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்வாகிஆ   வசனம்:
إِنَّهُۥ لَقُرۡءَانٞ كَرِيمٞ
77. Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan.
அரபு விரிவுரைகள்:
فِي كِتَٰبٖ مَّكۡنُونٖ
78. Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).
அரபு விரிவுரைகள்:
لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُطَهَّرُونَ
79. Cidna taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta).
அரபு விரிவுரைகள்:
تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
80. Waa soo dejinta Rabbiga uumanka.
அரபு விரிவுரைகள்:
أَفَبِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَنتُم مُّدۡهِنُونَ
81. Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?
அரபு விரிவுரைகள்:
وَتَجۡعَلُونَ رِزۡقَكُمۡ أَنَّكُمۡ تُكَذِّبُونَ
82. oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa).
அரபு விரிவுரைகள்:
فَلَوۡلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلۡحُلۡقُومَ
83. Maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَنتُمۡ حِينَئِذٖ تَنظُرُونَ
84. Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).
அரபு விரிவுரைகள்:
وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُبۡصِرُونَ
85. Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَلَوۡلَآ إِن كُنتُمۡ غَيۡرَ مَدِينِينَ
86. Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).
அரபு விரிவுரைகள்:
تَرۡجِعُونَهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
87. Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?
அரபு விரிவுரைகள்:
فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ
88. Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah).
அரபு விரிவுரைகள்:
فَرَوۡحٞ وَرَيۡحَانٞ وَجَنَّتُ نَعِيمٖ
89. Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ
90. Hadduu ka mid yahayse kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada).
அரபு விரிவுரைகள்:
فَسَلَٰمٞ لَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ
91. Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ
92. Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَنُزُلٞ مِّنۡ حَمِيمٖ
93. Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَتَصۡلِيَةُ جَحِيمٍ
94. Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلۡيَقِينِ
95. Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ
96. Ee xurmee oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்வாகிஆ
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக