Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்அன்ஆம்   வசனம்:
وَلَا تَقۡرَبُواْ مَالَ ٱلۡيَتِيمِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ أَشُدَّهُۥۚ وَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَٱلۡمِيزَانَ بِٱلۡقِسۡطِۖ لَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۖ وَإِذَا قُلۡتُمۡ فَٱعۡدِلُواْ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰۖ وَبِعَهۡدِ ٱللَّهِ أَوۡفُواْۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
152. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; una oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; markaad hadleysaan ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oofiyana Axdiga Alle; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, inaad xusuusataan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَنَّ هَٰذَا صِرَٰطِي مُسۡتَقِيمٗا فَٱتَّبِعُوهُۖ وَلَا تَتَّبِعُواْ ٱلسُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمۡ عَن سَبِيلِهِۦۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ
153. (Ogow) in kani (Islaamka) yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, hana raacina jidadka kale ee idinka duwi Jidkiisa. (Arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha).
அரபு விரிவுரைகள்:
ثُمَّ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ تَمَامًا عَلَى ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ وَتَفۡصِيلٗا لِّكُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لَّعَلَّهُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ
154. Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay (waa Muusee), kitaabkaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَهَٰذَا كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ مُبَارَكٞ فَٱتَّبِعُوهُ وَٱتَّقُواْ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
155. Kanina waa Kitaab (Qur’aan) aan soo dejinnay, barakeysan, ee raaca oo iska jira (xumaha) si la idiinku naxariisto.
அரபு விரிவுரைகள்:
أَن تَقُولُوٓاْ إِنَّمَآ أُنزِلَ ٱلۡكِتَٰبُ عَلَىٰ طَآئِفَتَيۡنِ مِن قَبۡلِنَا وَإِن كُنَّا عَن دِرَاسَتِهِمۡ لَغَٰفِلِينَ
156. Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab lagu soo dejiyey labo qolo oo naga horreeyay, innaguna waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxay akhristeen.
அரபு விரிவுரைகள்:
أَوۡ تَقُولُواْ لَوۡ أَنَّآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡكِتَٰبُ لَكُنَّآ أَهۡدَىٰ مِنۡهُمۡۚ فَقَدۡ جَآءَكُم بَيِّنَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞۚ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَصَدَفَ عَنۡهَاۗ سَنَجۡزِي ٱلَّذِينَ يَصۡدِفُونَ عَنۡ ءَايَٰتِنَا سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ بِمَا كَانُواْ يَصۡدِفُونَ
157. Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo dejin lahaa, waxaan ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan waxaa idiinka yimid Xujo Cad (Qur’aan) xagga Rabbigiin, oo ah hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka dulmi badan mid beeniya Aayadaha Alle oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்அன்ஆம்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக