Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்அன்ஆம்   வசனம்:

Al-ancaam

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ ٱلظُّلُمَٰتِ وَٱلنُّورَۖ ثُمَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ يَعۡدِلُونَ
1. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa gaalada ah waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood (Allaah).
அரபு விரிவுரைகள்:
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن طِينٖ ثُمَّ قَضَىٰٓ أَجَلٗاۖ وَأَجَلٞ مُّسَمًّى عِندَهُۥۖ ثُمَّ أَنتُمۡ تَمۡتَرُونَ
2. (Alle) waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), waxaana jira muddo (kale oo) magaacaban (Saacadda Qiyaame) uu Isagu (Alle keliya) Og yahay, idinkuse (gaaloy) waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَهُوَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ يَعۡلَمُ سِرَّكُمۡ وَجَهۡرَكُمۡ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُونَ
3. (Alle) waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah ee lagu caabudo) samooyinka gudahooda iyo arlada, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, wuxuuna Ogsoon yahay waxaad kasbataan (oo camallo ah khayr ama shar).
அரபு விரிவுரைகள்:
وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
4. Umana timaaddo Aayad (Calaamad, mucjiso, xujo, daliil, iwm) ka mid ah Aayadaha Rabbigood, waase ka jeesadaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَقَدۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَسَوۡفَ يَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
5. Waxay beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxaase u iman doona xaqiiqda arrinkay ku jees jeesayeen.
அரபு விரிவுரைகள்:
أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ مَّكَّنَّٰهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَا لَمۡ نُمَكِّن لَّكُمۡ وَأَرۡسَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡهِم مِّدۡرَارٗا وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَنۡهَٰرَ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ
6. Miyeyna ogaan intaan hallignay hortood (wax badan) oo facyo ah, kuwaasoo aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Waxaan uga soo dirnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, waxaana ka yeelnay webiyada kuwo socda hoostooda, waanse hallignay denbiyadoodii dartood, waxaana ahaysiinnay iyaga kaddib facyo kale.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَوۡ نَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ كِتَٰبٗا فِي قِرۡطَاسٖ فَلَمَسُوهُ بِأَيۡدِيهِمۡ لَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
7. Haddaan kugu soo dejinno (Nabiyow) qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, waxay gaalada odhan lahaayeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ مَلَكٞۖ وَلَوۡ أَنزَلۡنَا مَلَكٗا لَّقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ ثُمَّ لَا يُنظَرُونَ
8. Waxay yidhaahdeen: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku toobad keenaan).
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அல்அன்ஆம்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக