7. Haddaan kugu soo dejinno (Nabiyow) qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, waxay gaalada odhan lahaayeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.
8. Waxay yidhaahdeen: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku toobad keenaan).
14. Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (sokeeye, gargaare, cid kaloo la caabudo) aan aheyn Alle, askumaha samooyinka iyo arlada? Isagaana wax quudiya, lamana quudiyo. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Hana ka mid noqoninna mushrikiinta.
20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan.
22. Maalintaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Alle) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay Alle shariigyo la yihiin).
25. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, waxaana yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin (Xaqa), iyo culeys dhegahooda; hadday arkaan calaamo (mucjiso) kasta ma rumeynayaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa gaalooba yidhaahdaan: Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore.
27. Haddaad arki lahaydna iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta.
30. Haddaad arki lahaydna marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan: Soo ma aha kani (Naarta) Xaq? Waxay odhan: Haah,Rabbiyow.Wuxuu odhan: Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.
31. Waxaa dhab u khasaaray kuwa beeniya la kulanka Alle (ee Aakhiro), jeer markay Saacadda (Qiyaame) ugu timaado si kedis ah, waxay odhan: Alla innaguye waxaan ka gaabinnay oo ku gabood fallay darteed, waxayna ku xambaari culeysyadooda (denbiyadooda) dhabarradooda, xumaa waxay xambaari (oo denbiyo ah).
32. Ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), ee miyaydaan garowsaneyn?
34. Waxaa dhab ahaan la beeniyey Rusul kaa horreeyey, wayse ku samreen beenintii iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, mana jiraan wax beddeli kara kelmedaha Alle. Waxaana ku soo gaaray warkii Rususha.
35. Hadday kugu weynaatayna (cuslaatay) ka jeedsigoodu (xaggaaga Nabiyow iyo Xaqa lagula soo diray oo aadan u samri karin), haddaba haddaad karto inaad god ka yeelato arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (samee). Hadduu Alle doonana wuxuu ku soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta.
38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.
1. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Kitaabka waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka, taasina waa in arrimaha uunka oo idil ay ku qoran yihiin Looxa Maxfuudka, qaarna waxay ku fasireen Qur’aanka oo sheegeen inay ku yaalliin aasaasyada diinta iyo suluugga iyo axkaanta iyo xikmadaha, iyo jidka lagu liibaano labada daaroodba adduunka iyo aakhirada.
40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Alle ama ay idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?
42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin si ay u soo dabcaan oo ugu hoggaansamaan (Alle).
44. Markay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey iyo wixii loogu gooddiyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxay ku sugan yihiin quus daran.
46. Dheh: Bal ka warrama hadduu Alle qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daboosha; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah ee idiin keeni? Eeg sidaan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan?
48. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
51. Oo ugu dig (Qur’aanka) kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha).
53. Sidaasaan isugu imtixaannaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay (kuwooda hodanka ahi) yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Alle uu ku mannaystay (hanuunka) dhexdeenna? Miyaanu Alle ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa?
56. Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi.Dheh:Raaci maayo hawadiin- na, waayo (haddii aan sidaas yeelo), waan lumi, kamana mid ahaanayo kuwa hanuunsan.
57. Dheh: Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beeniseen (Xaqa), ma hayo waxa aad degdegsaney- saan (Cadaabka). Go’aanka waxaa iska leh Alle Keliya, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanagsan inta wax kala saarta.
59. Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro wax ogsoon aan Isaga ahayn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
61. Waana Qahraha awoodda badan uu wax ku Maquuniyo, ee ka korreeya addoomahiisa, wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markuu midkiin u yimaado mowdku, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), mana gabood falaan.
68. Markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay galaan war kale.Hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadka daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
70. Iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, kuna waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay (oo denbiyo ah), ma leh Alle sokadi wax gargaare ah iyo shafeeco midna. Hadday isku furatona madax furasho kasta aan laga aqbaleyn. Waa kuwaa kuwa loo halaagi waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), waxaa lagu abaal marin sharaab biyo kulul oo karaya ah iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed.
77. Markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan ka mid noqon qoloda lunsan.
78. Markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markay se dhacday, wuxuu yidhi: Qoonkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxaad Alle u shariig yeeshaan.
79. Anigu waxaan u jeediyey wejigayga anoo toosan xagga (Alle, ee ah) Kan askumay (ahaysiiyey) samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta.
80. Waxaa la doodayna qolodiisii; wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Alle? isagoo I hanuuniyey; mana ka cabsi qabo waxaad Alle la wadaajisaan cibaadada (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuxuu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi (iyo Awood). Ee ma waydaan waansamayn?
81. Sidee baan uga cabsan kuwaad Alle la wadaajisaan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku ka cabsanin inaad la wadaajiseen Alle cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo mudan amni, haddaad ogtihiin?
82. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo aan ku dheehin Iimaankooda dulmi (shirki ama danbi kale oo weyn), waa kuwaas kuwa uu u sugnaan amnigu, waana iyaga kuwa hanuunsan.
88. Kaasi waa hanuunka Alle uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Hadday la wadaajin lahaayeenna cibaadada cid kale, waxaa ka buri lahaa waxay camal san faleen.
89. Kuwaa waa kuwa aan siinnay Kitaabka, Xukunka iyo Nabinnimada. Hadday kuwani rumeyn diidaan, waxaan u xil saarnay qolo aan Xaqa diidin (Muslimiinta).
90. Kuwaa (Nabiyada) weeye kuwa uu Alle hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa u waano uumanka.
93. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo dejin wax la mid ah wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah? Haddaad arki lahaydna markay daalimiinta ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin cadaabta dulleynta waxaad Alle ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Waxaadna aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya.
94. Waxaad noogu timaaddeen keli keli sidaan idiin abuurnay awal horeba. Waxaadna uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysan- nay. Ma aragno la jirkiin shafeecayaa- shiinnii aad ku sheegi jirteen inay shuruko Alle la yihiin. Dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen (baryeyseen oo ilaahyo been ah) waad weydeen.
95. Waa Alle Kan dhanbala iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa meyd wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa la idiinka jeediyey?
99. Alle waa Kan ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Waxaana ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Waxaa waxa kani ugu sugan calaamooyin ciddii (Xaqa) rumayn.
104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.
108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Alle sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Alle jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen.
109. Waxay ku dhaartaan Alle midka ugu culus dhaarahooda in hadday u timaaddo calaamo (mucjiso) ay rumaynayaan 6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Alle, maxaase idin ogeysiinaya markay (mucjiso) u timaaddo inayan rumayneyn?
6. Mushrikiinta waxay ku dhaarteen in hadday arkaan mucjiso ka yimid xagga Alle ay rumeyn, markaasay waxay mu’miniinta jecleysteen oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu soo dejiyo mucjisdaas, wuxuu Alle uga jawaabay Aayaddan.
110. Waxaanu rogi quluubtooda iyo aragyadooda, siday iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, waxaanuna uga tegi xad gudubkooda ay ku jaha wareersanaan indha la’aan.
111. Haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda Dhambaalkan), meytiduna ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn (Xaqa), in maahee Alle doono, badankooduse waa moog yihiin oo ma garanayaan (Xaqa aad uga keentay xagga Alle).
112. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walbaa cadow - shayaadiinta ku jira dadka iyo jinka, qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Rabbigaa hadduu doonona, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxay been abuuranba.
114. Ma cidaan ahayn Alle baan doonaa inuu noo kala garsooro innaga iyo idinka, Isagoo ah Kan idiin soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) ay wax walba ku cad yihiin. Kuwaan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in laga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya.
121. Ha cunina waxa (hilibka) aan lagu xusin Magaca Alle (markii la gowracayey neefka), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah.
7. Taasina waxay ahayd in mushrikiinta yidhaahdeen: Muxammadow bal waxaad nooga warrantaa ri’da? Hadday dhimato yaa dilay? Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baa dilay. Waxay yidhaahdeen: Haddaba ma waxaad ku andacooneysaa waxaad dishaan adiga iyo asxaabtaada inay yihiin xalaal, waxana ay dilaan eyga iyo galleyrka iyo haramcadka ay yihiin xalaal, waxase uu Alle dilo ay xaaraan tahay in la cuno. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan.
122. Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo baxayn? Sidaasaa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan.
125. Qofkii uu Alle rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, qofkiise uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaasuu Alle dusha uga saaraa fadarada kuwa aan (Xaqa) rumayn.
136. Waxay qayb u yeelaan Alle8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Alle - sidaas bay ku andacoodaan, kanna waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxay leeyihiin sanamayadooda ma gaaraan Alle, waxase (qayb ahaan loo yeelay) Alle wuxuu gaaraa sanamyadooda! Xumaa waxay xukumaan.
8. Qaybta uu Alle leeyahay waxay siinayeen fuqurada iyo masaakiinta oo ku bixinayeen howlaha sama falka, waxayse ay ugu talo galeen sanammada waxay siinayeen kuwa ilaaliya sanammada, oo ma siineyn fuqurada iyo masaakiinta. Caadadan wuu nacladay Alle.
137. Sidaasay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (Alle) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan camalkooda. Hadduu Alle doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxay been abuuraan.
138. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuneyn ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Alle - iyagoo ku been abuuranaya. Wuu ka jaazeyn waxay been abuurteen darteed.
140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan9, xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Alle. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.
9. Waxaa ka mid ahaa Carabta qaar ku sugnaa diintii Ibraahiim. Wuxuu Alle amray Ibraahiim inuu gowraco wiilkiisa Ismaaciil, kaddib waxay ka dhigeen madaxdii hoggaamineysey diintooda arrinka gowraca waxaan caddeyn sababta keentay, ilaa ay la wanaagsanaatay raaceenkoodii inay gowracaan ilmahooda Alle u dhowaansho darteed inkastoo sababta runta ay aheyd inay ka cararayeen faqri iyo ceydh.
142. Waxaa ka mid ah xoolaha (uu Alle abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Alle idin siiyey, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
144. Geelana labo (lab iyo dheddig) lo’dana labo (lab iyo dheddig). Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen markuu Alle idin amray arrinkani? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
145.Dheh:Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee baqti ama dhiig horay u soo butaaca (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar, waayo waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid ee wax kale aan aheyn (Magaca) Alle lagu xusay dusheeda (markii la gowracayey), qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, aan xad gudbeynna, hubaal Rabbigaa waa Denbi Dhaafid Badane, Naxariis Badan.
146. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudi-
yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh10, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay dulmigoodii dartiis, run baana sheegaynaa.
10. Xoolihii ciddi leh: Waxaa loola jeedaa xoolaha aanay ciddayahooda kala tagsaneyn sida geela, iwm. Qaar kale waxay yidhaahdeen: waxaa loola jeedaa xoolaha leh hal ciddi oo keliya, sida faraska, dameerka, iwm.
148. Kuwa ah mushrikiinta waxay odhan: Hadduu Alle doono, ma aanu u shariig yeelneyn innaga iyo aabbayaasheenba, mana aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Alle banneeyey). Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabkayaga. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, waxaadna uun sheegtaan beeno.
150. Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Alle xaaraameeyey waxakani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Hana raacin hawooyinka kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, ee Rabbigood wax la sima oo la mid dhiga.
151. Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Alle) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada Alle) la wadaajin waxba; una muujiya wanaag oo baarri u ahaada waalidiintiin, hana u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed - Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina xumaano oo dhan (denbiyada waaweyn sida zinada) kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, hana ku dilina nafta uu Alle xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaasuu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan.
11. Uu sharciga qiray sida qisaaska, dilka murtaddiinta, dhagax ku dilidda zaaniga horay u guursaday ama guursatay haddii lagu caddeeyo zinada ama iyagu qirtaan.
153. (Ogow) in kani (Islaamka) yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, hana raacina jidadka kale ee idinka duwi Jidkiisa. (Arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha).
154. Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay (waa Muusee), kitaabkaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan.
157. Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo dejin lahaa, waxaan ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan waxaa idiinka yimid Xujo Cad (Qur’aan) xagga Rabbigiin, oo ah hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka dulmi badan mid beeniya Aayadaha Alle oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed.
158. Ma waxay sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku(mid ka mid ah waxyaala- han), innaguna(sidoo kale) waan sugaynaa.
160. Qofkii la yimaada camal san, wuxuu heli toban laabkeed wax la mid ah, qofkii la yimaadana camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah iyagoon la dulmeyn.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
Rezultatet e kërkimit:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".