Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: El Enam   Ajeti:
۞ إِنَّ ٱللَّهَ فَالِقُ ٱلۡحَبِّ وَٱلنَّوَىٰۖ يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَمُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتِ مِنَ ٱلۡحَيِّۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ
95. Waa Alle Kan dhanbala iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa meyd wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa la idiinka jeediyey?
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَالِقُ ٱلۡإِصۡبَاحِ وَجَعَلَ ٱلَّيۡلَ سَكَنٗا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ حُسۡبَانٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
96. Waa Kan waaga bariya, oo ka yeelay habeenka nasasho, qorraxda iyo dayaxana in wax lagu xisaabsado. Arrinkaasi waa Maamulka iyo Qaddarka Alle, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلنُّجُومَ لِتَهۡتَدُواْ بِهَا فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۗ قَدۡ فَصَّلۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
97. Waa Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan dhabbaha markuu jiro gudcurka barriga iyo badda. Waxaan u faahfaahinnay Aayadaha ciddii wax garan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ فَمُسۡتَقَرّٞ وَمُسۡتَوۡدَعٞۗ قَدۡ فَصَّلۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَفۡقَهُونَ
98. (Alle) waa Kan idinka ahaysiiyey naf keliya (Aadam), oo idiin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah5,waxaan u faahfaahinnay Aayadaha ciddii faham leh.
5. Waxay mufasiriinta qaar ku fasireen mustaqir dhabarka aabbaha ay ilmahiisa ku jiraan, mustowdicna ilma galeenka hooyada. Waxaana jira qaar ku fasriay mustaqir dhulka korkiisa uu aadmiga ku nool yahay, mustowdicna dhulka hoostiisa macnaha qabriga markuu qofku dhinto.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦ نَبَاتَ كُلِّ شَيۡءٖ فَأَخۡرَجۡنَا مِنۡهُ خَضِرٗا نُّخۡرِجُ مِنۡهُ حَبّٗا مُّتَرَاكِبٗا وَمِنَ ٱلنَّخۡلِ مِن طَلۡعِهَا قِنۡوَانٞ دَانِيَةٞ وَجَنَّٰتٖ مِّنۡ أَعۡنَابٖ وَٱلزَّيۡتُونَ وَٱلرُّمَّانَ مُشۡتَبِهٗا وَغَيۡرَ مُتَشَٰبِهٍۗ ٱنظُرُوٓاْ إِلَىٰ ثَمَرِهِۦٓ إِذَآ أَثۡمَرَ وَيَنۡعِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكُمۡ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
99. Waa Kan ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Waxaana ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Waxaa waxa kani ugu sugan calaamooyin ciddii (Xaqa) rumayn.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَجَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ ٱلۡجِنَّ وَخَلَقَهُمۡۖ وَخَرَقُواْ لَهُۥ بَنِينَ وَبَنَٰتِۭ بِغَيۡرِ عِلۡمٖۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يَصِفُونَ
100. Waxay (gaaladu) u yeelaan Alle shuruko jin ah (ay la wadaajiyaan cibaadada), Isagoo abuuray, waxayna baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka hufan yahay Alle) oo ka sarreeyaa waxay ku sheegi.
Tefsiret në gjuhën arabe:
بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَمۡ تَكُن لَّهُۥ صَٰحِبَةٞۖ وَخَلَقَ كُلَّ شَيۡءٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
101. Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan ilmo Isagoon lahayn xaas? Wax walbana abuuray, ee wax walba Ogsoon.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: El Enam
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll